Himilo – Baakinkan oo ku yaalla Hong Kong wuxuu sameeyay diiwaan kadib markii lagu kala iibsaday adduun lacageed gaaraya $1.3 milyan.
Qofka iibsaday ayaan magaciisa la sheegin iyo inuu wax ka bedeli doono. Balse wuxuu ahaa baakin la dhigto gawaarida raaxada.
Baakinkan ayaa ku fadhiya bed dhuleed dhan 134.5 feet oo u dhiganta 40.99 mitir. Baakinkii ugu qaalisanaa dunida waxaa lagu gaday $980,000 sannadkii 2019 isla Hong Kong.
Hong Kong waxaa ka jira ciriiri dhanka dhulka ah. Bishii May, guri ku yaalla isla magaaladan waxaa lagu kireeyay qiimo gaaraya $210,000.