Home / Macluumaad / Bacda: Dhigaal dhibaato dambe dhasha!
Roadside dumping

Bacda: Dhigaal dhibaato dambe dhasha!

Himilo – Marka hore  isticmaalkooda waa hawl sahlan balse waxa ay leeyadahay dhigaal dhibaato dambe dhala, waxaan maqaalkan kuugu sheegi doonaa, waxyeelada bacaha ee deegaanka iyo dadka, waxaa kale oo aan wax iska oran doonaa waxyaabaha noo bedeli kara ama aan kaga maarmi karno adeegsigeeda, waxaan filaya inaad isticmaalkeeda yareyn doonto markaad sii ogaado mushkiladeeda.   

Bacaha waxa ay leeyihiin ilo badan oo ay ka soo baxaan, waxa aan ku isticmaalnaa maalin walba guryaheenna, iskuulada, xafiisyada, xarumaha ganacsiga xittaa waxa aan adeegsanaa marka aan safarrada ku jirno maadaana ay tahay weel fudud.

Marka aan sidaa ugu hawl gudano waxaan si baraad lihi ah ugu tuurnaa meel aan munaasab aheyn sida jidadka la maro, waxa ay leedahay adkaysi badan si dhib yarna kuma baaba’do.

Inay go’go’do waxa ay qaadan kartaa sida la ogaaday 400 ilaa 1000 sano, markaa kaddib weli dhibkeedu ma haro gabaladeeda kala go’ay waxa ay ku milmaan ciidda.

Haraadigaas waxa uu toos u gaaraa biyaha ku jira dhulka ee aan cabno, qeyb kale waxaa qaada daadka oo geeya badaha, waraha, balliyada, garbooyinka iyo biyo-qabatinada kale.

Kolkay sidaas dhacdo miyuu shaki kaa galayaa inay biyaha u raacayso dadka iyo noolaha kale  bad iyo bariba kuu joogaba.

Sidaa darteed bacdu waxa ay sababtaa inay sannad kasta u dhintaan 100,000 oo isugu jira noolaha kala duwan ee badaha ku dhex nool.

Ku dhawaad 90% bur-burka laga helo badaha waa-wayn waa bac, tani waxa ay keentay in noolaha badda ay cumaan  baco, dabadeedna ay u dhintaan.

Dhibaatada kale ee dhacda marka kalluun badda ku jira uu cuno bac, waa suura gal inuu ku sumoomo ama uu ku jirrado, kadibna isagoo sumaysan ay cunnaan aadanane, dabadeedna lagu xanuunsado.

Meelo kooban marka laga tago, miyi iyo magaalaada sida badan waxaad ku arkaysaa dad gacmaha ku sita baco kala nooc ah oo ku wata alaab.

Sannad kasta trillions bac ah ayaa laga isticmaala daafaha dunida, isticmaalka kadib dhulka (meeraha) ayay ku sii dulnagaataa qarniyo. Adeegsigeeda oo aan sii waddo dunida waxa uu ku keeni karaa dhibaato caafimaad darro.

Erayga Plastic waxa uu ka yimid eray Greek ah “Plastikos” qolaba waxa ay ula baxday magac gaar ah waxaa loo adeegsadaa siyaabo kala duwan balse ugu dambeyn waxa ay ka mid noqotaa qashinka waxayna ka soo muuqataa dacala waddooyinka iyo meelaha gudaafadda.

Dunidu waxa ay si sanadle ah u soo saartaa  150 millions  oo  tons oo bac ah, sidaa darteed way sii kordhaysaa 5% qiyaas ahaan.

Maxaa keenaya in la daneeyo

Miisaankeeda oo fudud, iyadoo roobka ka celisa waxa ku jira iyo xulashooyinka kale waxa ay dadka u horseedeen inay aad u isticmaalaan.

Markii la ogaaday dhibaatada caafimaad darro ee ay bacdu u horseedo aadanaha iyo midda ay ku hayso  noolaha barriga iyo baddaba dawlado ayaa go’aansaday inay mamnuucaan!

Dalalka mamnuucay

Waddamadaas joojiyay waxaa kamid ah Denmark, Gambia, Bangladesh, Australia, Kenya, France, China, waxaa kale oo jira  kuwo canshuur dheeraad ah ku soo rogay bacda sida Ireland .

Ujeedka loo mamnuucayo waa in la yareeyaa dhibaatadeeda, 267 noole oo ka mid ah xayawaanka ayaa la xaqiijiyey inay  halis ka soo wajahday bacda, shimbiro dhintay waxaa calooshooda laga helay bac.

Tusaale ahaan Mauritania 70% dhimashada lo’da iyo idaha waxaa loo tiiriyaa bacaha, walaac kaas la mid ah waxaa laga qabaa geela ku dhaqan imaaraadka.

Marka aad Soomaaliya joogtana waxaad marar badan arkaysaa ari ama lo’ midkood oo cunaya bac, waa arrin dhibaatadeeda leh, waxaa suura gal ah in foofka xoolaha lagu arko baco yaal.

Waxyaabaha noo bedeli kara bacda

Intaan bacaha la helin dadku waxa ay adeegsan jireen waxyaabo badan sida danbiilaha, kuwaa oo haddii xitaa deegaanka lagu tuuro kolka ay duugoobaan aan dhib u geysan jirin noolaha, ilaa hadda waa la heli karaa haddii dadka sameeya la dhiiri geliyo sida in wax soo saarkooda laga dhigo sanco muhiim u ah dadweynaha.

Waxaa kale oo muhiim ah in warshadaha soo saara bacda mar kale ay dib u hindisaan wax bacda bedeli kara oo aan deegaanka iyo dadka u fiican, labadan tallaabo oo ugu yaraan mid la helo waxa ay ila tahay inay mushkiladda bacda hoos u dhigi karto.

W/Q :- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed  Haaddi)

Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan