Home / Cayaaro / Barcelona oo u dhaqaaqi karta laacib katirsan PSG

Barcelona oo u dhaqaaqi karta laacib katirsan PSG

Himilo – Kooxda Barcelona ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa garabka kooxda Bayern Munich Kingsley Coman sida ay tilmaameen warbixinno cusub.

Kooxda ka cayaarta horyaalka Spain ayaa la rumeysnaa inay diiradda saarayso u dhaqaaqista Lautaro Martinez iyo Neymar kahor suuq furanka xagaaga balse hadda Coman ayaa noqon kara beddalka cayaaryahanadaasi.

Si kasta, Inter Milan iyo Paris Saint-Germain ayaa la filayaa inay ku qasbi doonaan Barcelona inay baadi goobto cayaaryahanno kale oo ka cayaara weerarka.

Warbixinnada Spain ayaa tilmaamaya in Coman ku jiro liiska tababare Quique Setien xilli cayaaryahanka Faransiiska lagu qiimeeyay adduun dhan £61.5 Milyan.

Tan iyo markii uu yimid garoonka Allianz Arena sannadkii 2015-ka, cayaaryahanka ka soo baxay akaademiyadda PSG ayaa dhaliyay ama caawiyay 32 gool.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan