Home / Arrimaha Bulshada / Beeraha Dedan: Xalka mushkiladaha ay wajahaan beeraleyda Soomaaliyeed

Beeraha Dedan: Xalka mushkiladaha ay wajahaan beeraleyda Soomaaliyeed

Himilo-Dhammaadkii bishii tagtay ee sanadkan ayaa hay’adda maareynta masiibooyinka dowladda federaalka ah ee SODMA soo saartay digniin la xiriirta roobka E lNino, midkaasi oo la saadaalinayo inuu wato biyo fara badan iyo dabeyl.

Goobaha ay tilmaamtay inuu si gaar ah u saameyn doono waxaa ka mid ah gobolada buuraleyda ah, sida Sanaag, kuwa webiyadu maraan sida labada Shabeelle iyo labada gobol ee Baay iyo Bakool.

Dadka ku nool degaannada ku dhaw labada webi iyo dhulka buuraleyda ah, ayay hay’addu fartay inay muujiyaan taxadar dheeri ah, si looga baaqsado saameynta taban ee ka dhalan karta daadad kusoo fataha bulshooyinkaasi.

Warbixin taasi kasii horreysay oo ay soo saartay hay’adda cuntada iyo beeraha qaramada midoobay ee FOA, ayaa lagu sheegay in roobka El Nino ee la saadaalinayo uu saameyn taban sanadka kaga tagi doon ku dhawaad 1.2 milyan oo Soomaali ah.

Dadka sida gaar ah ugu nugul waa bulshhooyinka ku nool hareeraha webiyada, sida lagu xusay warbixinta FOA, waxaana la raaciyay inay suurtagal tahay inuu sababo khasaare nafeed, barakac baahsan, burbur hantiyadeed iyo dhimasho xoolaad,taasi oo horseedi karta in ay kororta hubanti la’aanta xagga cuntada ah ee taagan hadda.

Hay’adda cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay ayaa warbixinteeda intaasi ku dartay in fursadda uu roobka El Nino kaga sii di’i karo dalka sanadkan ay gaarsiisan tahay in ka badan 90%, ayna halis daad wajahayaan dhulbeereed lagu qiyaasay 1.5 milyan oo hector.

Haddaba beeraha dedan door intaa la’eg ayey ka qaataan la qabsiga isbaddelka cimilada?

Inkasta oo noocaan beereed ay waqtiyo hore soo gaareen dunida, haddana dalka waa kuwa ku  ah dhawaan gal. Dad u badan dhalinyaro baratay culuumta beeraha ayaa intii u dhaxeysay sanadihii 2013-2014-kii ka hirgeliyay hab-beerashadan casriga ah degaano hoos yimaad koofurta Soomaaliya, sida uu ii sheegay C/kaafi Axmed Nuur  oo ah maamulaha shirkad ka shaqeysa dhismaha beeraha dedan.

Maadaama ay yihiin hab beerasho cusub, markiiba ma noqon kuwa ay la qabsadaan beeraleyda, si ay uga badbaadaan dhibaatooyinka kusoo noqnoqda. Inkasta oo hadda aad moodo in la fahmay haddana ma aha nidaam gaaray degaannada fog fog ee ah dhul beereedka.

Maxamed Tayyib Abubakar hormuudka kulliyadda beeraha iyo xanaannada xoolaha Jaamacadda Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxa uu rumeysan in beeraha dedan oo lagu baahiyaa dalka ay xal u noqon karaan mushkiladaha la xiriira isbaddelka cimilada ee kusoo noqnoqdayday beeraleyda.

“Maadaama beeraha dedan ay leeyihiin baco iyo walxo kale oo balastic ah, kuwaaasi oo loogu talagalay inay celiyaan biyaha roobka ee gudaha u geli lahaa beerta, waa xal looga baaqsan karo dhibaatadda uu sababi karo roobka.” ayuu yiri Maxamed Tayyib oo ah khabiir culuumta beeraha.

Wuxuuse hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in aad looga fikiro halka laga hirgelinayo beeraha dedan oo aanan laga dhisan meelaha biya hoobadka leh amaba biya fariisadka ah, kuwaasi oo halis u horseedi kara dhismaha beerta iyo dalagba xilliyada ay daadka xoogan ay soo rogmadaan.

Waxey sidoo kale tilmaamay in bacda iyo waxlaha kale ee balastikada ah eek u dahaan dhismaha beerta, beeraleyda ka caawiyaan inay isku dheeli-tiraan heerkulka ka jira gudaha iyo dibadda beerta.

Inkasta oo aanan lasoo werin saameyn baaxad leh oo ka dhalatay roobka illaa iyo hadda ka da’ay wadanka, haddana biya uu sidaa ee xoogan oo aan lahayn goobo lagu hayo, waa u halis soo wajihi karta mustaqbalka fog beeraleyda leh beeraha furan.

Beeraha dedan ayuu qabaa C/kaafi Axmed Nuur  maamulaha shirkadda Dalag inay door ka qaadan kara beeqaaminta hadba xaddigga biyo ee la haysto, si beertu u noqoto mid la tacbi karo abaar iyo aaranba.

“Hanaanka waraabka beeraha dedan waa mid geed weliba siiya biyaha uu u baahan yahay iyada oo aanan la qasaarineynin dhibic biya ah, ka faa’iideysigaasi hufan ayaana keena in waqti weliba beeraha dedan wax lagu beeri karo” ayuu yiri C/kaafi Axmed maamulaha shirkadda Dalag.

Waqtiyada ay cimiladu isbadesho waxaa la arka in qaar ka mid ah dalagyada kazoo go’a dalka gebi ahaanba laga waayo suuqa haba u badnaadaane khudaarta iyo geed miroodyada kale, beeraha dedan waa u xal firaaqaasi yimaada xilliyadaasi oo kale, sida uu qabo Axmed Shiikh Cabdi oo ah aqoonyahan dhanka wax soo saarka beeraha ah.

“Beeraha dedan waxey saamaxayaan in waqti weliba wax lasoo saaro, weliba xaddi dalag oo ka badan midka laga soo saaro beeraha furan” ayuu yiri aqoonyahan Axmed Shiikh.

Mar aan weydiiyay in beerahan lagu abuuri karo nooc kasta oo dalag, waxa ii sheegay inay qabali karaan balse loo baahan yahay in nooc weliba oo dalag ee la abuurayo la heli tamarta, ciidda, iyo nafaqada uu u baahan yahay.

Si looga baaqsado saameynta taban ee ka dhalata isbaddelka cimillada loona kordhiyo wax soo saarka beeraha wadanka, Maxamed Tayyib, hormuudka kulliyadda beeraha iyo xanaanada xoolaha Jaamacadda Jazeera, ayaa talo kusoo jeediyay in beeraleyda loo jiheeyo dhanka tacbashada casriga, iyada oo la baro si loo abuuro, loo daweeyo, loo waraabiyo loolana socda heerkulkeeda.

Mas’uuliyadaasi ayuu sheegay inay u baahan tahay inay dhabarka u ritaan Wasaaradda Beeraha dowladda federaalka iyo kuwa hoos yimaada ee maamul goboleedyada oo lagu daray aqoonyahhanadda culuumta beeraha iyo warbaahinta oo qudheeda door ku leh faafinta xogaha ay u baahan yihiin beeraleyda.

 

WQ: Wariye Sadia Nor Eid

E-mail: Sadiaeid@gmail.com 

 

 

 

 

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan