Home / Arrimaha Bulshada / Carruur iyo dad kale oo Israa’iil ay ku dishay Gaza iyadoo lagu jiro maalintii 3aad ee ciidda Carafo

Carruur iyo dad kale oo Israa’iil ay ku dishay Gaza iyadoo lagu jiro maalintii 3aad ee ciidda Carafo

Himilo – Ugu yaraan 23 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan carruur, ayaa lagu dilay weerarro cusub oo Israa’iil ku qaaday Marinka Gaza maalintii saddexaad ee Ciidda Carafo, oo ka mid ah ciidaha ugu barakaysan Islaamka.

Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in 8 qof lagu dilay duqeyn Israa’iil ku qaaday guri ku yaalla magaalada Jabalia, waqooyiga Gaza.

Sidoo kale, idaacadda maxalliga ah ee Al-Aqsa ayaa horey u sheegtay in 10 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan carruur, ay ku dhinteen weerarro Israa’iil ku bartilmaameedsatay guryaha iyo teendhooyinka barakacayaasha ee Khan Younis.

Dhinaca magaalada Rafah, oo ku taalla koonfurta Gaza, 4 qof ayaa lagu dilay, halka ku dhowaad 70 kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib markii Israa’iil weerartay meel gargaar lagu qaybinayay, sida ay sheegtay wakaaladda WAFA.

Hal qof oo kale ayaa sidoo kale lagu dilay meel kale oo gargaar lagu bixinayay, oo ku taalla Netzarim Corridor ee bartamaha Gaza, sida uu sheegay telefishinka Falastiin.

Markhaatiyaal ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay weli sii burburinayaan guryo iyo dhismayaal ku yaalla agagaarka Jabalia iyo bariga magaalada Gaza.

Tani waa ciidii afaraad ee Falastiiniyiinta Gaza ku dabaaldegayaan iyagoo wajahaya dagaal, tan iyo bishii October 2023, markaas oo Israa’iil bilowday dagaal ba’an oo lagu tilmaamay mid xasuuq ah, kaasoo ay ku dishay ku dhowaad 54,800 Falastiiniyiin ah, ayna ku abuurtay macaluul iyo burbur baahsan, iyadoo Marinka Gaza ka dhigtay meel aan lagu noolaan karin.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan