Himilo – Kevin De Bruyne ayaa ku guuleystay labada horyaal ee Premier League iyo FA Cup, sidoo kalena hantay abaalmarino shaqsiyadeed isaga oo kooxda kaga soo biiray VfL Wolfsburg sannadkii 2015.
Warbaahinta Britian ayaa hadalheysay in laacibka reer Belgium kaasi oo wax ka yar seddex sano uu kaga harsan yahay heshiiskiisa uu hadda heshiis kordhin shan sano ah sameynayo.
“Waan ku faraxsannahay kooxda, waxaan ku dhihi karaa in aan halmar la hadal kooxda. Sidaa darteed ma garanayo sababta dadka u leeyihiin heshiis ayuu naadiga la galay,” ayuu yiri De Bruyne.
“Waxaan had iyo goor u sheegay qof waliba in aan xaqiiqdii ku faraxsannahay naadiga kuna raaxeysannayo”.
Radio Himilo
