Home / Cayaaro / Dowladda France oo 7,000 oo askari u diyaarisay amniga Garoonka ay isku wajahayaan Madrid iyo Liverpool

Dowladda France oo 7,000 oo askari u diyaarisay amniga Garoonka ay isku wajahayaan Madrid iyo Liverpool

Himilo – Dowladda France ayaa ku dhawaaqday in iyada oo xil iska saareysa amniga taageerayaasha faraha badan ee caawa daawanaya Ciyaarta kama dambeysta ah ee Liverpool iyo Real Madrid ay howlgelisay 7,000 oo askari.

Inkasta oo xiriirka Ciyaaraha Europe ee UEFA uu koox kasta siiyay 20,000 oo Tikid waxaa kale oo uu diyaariyay 12,000 tikid oo loogu talagalay dadka Caalamka ka tagay ee ciyaartaas daawashadeeda u tagay Paris.

Garoonka ay ka daceyso ciyaarta ayaa la sheegay in uusan ku talagal saneyn marti gelinta ciyaartan waxaana qorshuhu ahaa in lagu qabto dalka Ruushka, hayeeshee Feberuary ayey UEFA ku dhawaaqday in la beddelay halka lagu qabanayo Ciyaarta oo ah France.

Cawska macmalka ah ayaa la dhigay maalmihii ugu dambeeyay Garoonka lagu qabanayo ciyaarta Caawa ee kama dambeysta UEFA Champions League.

Tababaraha Liverpool iyo dhiggiisa Real ayaa labadaba walaac ka muujiyay tayada Garoonka waxaase ay meesha ka saareen in aysan marmarsiiyo noqon Karin taas.

Taageerayaasha Liverpool ayaa xusuusta guul darradii ay kala kulmeen Real 2018-kii waxaana ay doonayaan in ay aarsadaan, halka Real feejigan tahay sida uu sheegay tababarahooda oo ciyaartooydiisa u sheegay in Liverpool tii 2018 aysan ahayn midda ay is hayaan Caawa.

Ciyaarta ayaa soo geli doonta 10:00pm geeska Afrika.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan