Home / Cayaaro / Everton oo dooneysa weeraryahan ay leedahay kooxda Lille

Everton oo dooneysa weeraryahan ay leedahay kooxda Lille

Himilo -Kooxda Premier League ka dhisan ee Everton ayaa  xiiso u qabta saxiixa weeraryahanka Lille Rafael Leao.

Ciyaaryahanka 20 jirka ah ee reer Portuguese ayaa yimid kooxda Faransiiska billowgii xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay 8 gool 24 kulan oo uu u saftay Ligue 1 intii uu socday xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay.

Wararka la isla dhexmaraya ee sheegaya in Leao uu ku biirayo Goodison Park ayaa isa soo tarayay, iyadoo Daily Mail ay soo warineyso in Toffees laga yaabo inay bixiso 36 Milyan oo ginni oo ku aadan xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal u matala xiddigaha ay da’doodu ka hooseyso 21 jirrada.

Everton ayaa lala xiriirinayay dhowr weeraryahan xagaagan iyadoo Diego Costa iyo Mario Mandzukic ay labaduba ka mid yihiin ciyaartoyda la aaminsan yahay inay ku jiraan liiska ay doonayso.

Ilaa iyo haatan, tababare Marco Silva ayaa labo ciyaaryahan oo khadka dhexe ah ku daray safkiisa, Fabian Delph iyo Andre Gomes iyo goolhaye Jonas Lossl.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan