Himilo – Cayaaryahanka khadka dhexe ee Brazilian-ka ah Fred ayaa lagu soo warinayaa in uu heshiis cusub qalinka ugu duugayo kooxda Manchester United.
27 jirka ayaa markii hore ku dhibtooday garoonka Old Trafford kaddib markii uu ka soo dhaqaaqay Shakhtar Donetsk sannadkii 2018-ka.
Laacibka ayaa ka soo muuqday 40 kulan oo kooxda Reds Devils ah ol-olaha 2019-2020 isaga oo ku jira bandhig wanaagsan kahor inta aan la hakin horyaalka Ingiriiska.
Cayaaryahanka Koonfurta Ameerika ayaa heysta qandaraas seddex sanno ah laakiin sida laga soo xigtay The Sun, waxa uu doonayaa in uu saxiixo heshiis wax badan laga beddalay.
Man United ayaa hadda ku jirta booska 5aad e horyaalka Ingiriiska, waxay shan dhibcood ka danbeysaa Chelsea.