Home / Macluumaad / Hadduu imaan lahaa Lik Wan Yew Soomaali ah

Hadduu imaan lahaa Lik Wan Yew Soomaali ah

Muqdisho – Kan nasiibka u yeesha in la yiraahdo Madaxweyne Jaalle Hebel  kadib loolan dheer, kaligiis sooma marin fursaddan oo kale. Waxaa kaga horreeyey kuwo hore; hubaalna waxaa kaga danbeynaya kuwa kale.

Laakiin waxaa macno sameeyey hoggaamiyaha si niyad leh loo qaabilo maalintuu xilka qabto – balse ay shacabku ka tiiraanyoodaan maalinta uu xilka ka degayo.

Hayeeshe, waa kuma hoggaamiyaha muta xaqqa loogu tiiraanyoodo marka uu xilka iska tiriyo?

Ninka aad u jeedaan ee Lik Wan Yew ayaan tusaalahayga kula fududaaday. Waayo maba arag hoggaamiye aan kala barbardhigo dunida Muslim-ka qarnigii na dhaafay ee 20aad.

Lek Wan Yew wuxuu hoggaan usoo noqday dal sida Soomaaliya aan ahayn isku af, diin, midab iyo wixii soo raaca; dal aan lahayn kheyraad dabiici ah oo waliba biyaha badda kululeysta; dal dadkiisu ay ku noolaayeen faqri; iyo wax walba oo aad isleedahay way ragaadiyeen dowladnimada Soomaaliya.

Lik Wan Yew, ninka awooday in magaalo-yar oo cirifka bari Aasiya ku taalla ay noqoto dunida caalami ah oo adduunka jecleysto maal-gashigeeda. Ninka awooday inuu sara-u-qaado dakhliga qofka Singaporiga ah oo uu ka dhigo dadka labaad ee ugu dakhliga badan dunida kadib Qatar.

Waxaa jirta weer tiraahda: marka aad aragto guulle, waxaad kaliya arkaysaa miraha ka dhashay guushiisa – ma arki kartid halgankiisii dheeraa ee uu ku xaqiijiyay guusha uu ku taagan yahay!

Dabcanna, hoobaanta bisil ee ay guranayaan dadka Singapore ee ka dhalatay guusha  halgankii uu soo Lik Wan Yew hormuud kasoo noqday, waxaa dib loogu celiyaa markii ay Singapore ka go’day Malaysia inteeda kale ka-gadaal xurnimadii ay ka qaateen Ingiriiska.

Markii uu arkay Malaysia-da ay ka go’een oo ah dal leh kheyraad iyo sida dalkiisu uu u yahay kheyraad la’aan ay usii dheer tahay kala qeybsanaan ka jirta qowmiyadaha kuwada nool, wuxuu horyimid telifishanka qaranka isaga oo ilmeynaya. Waana maalintii u yiri: “Maxaad ka qabtaan haddii aan inyar isku taagno sida Malaysia?”

Sida lagu qoray buug-nololeedkiisa, mar waxaa jirtay uu kaalmo weydiistay madaxweynihii dalka Masar, Jamaal Abdinasir, isaga oo weydiisaya inuu dalkiisa ka gacan-siiyo dhinaca wax-barashada iyo wixii lamid ah. Balse waa lagu gacan-seyray.

Hadaba tallaabtiisa koobaad ayaa noqotay inuu dadka Singapore ku mideeyo af Ingiriis inay ku wada hadlaan, maadaama ay kala af yihiin. In-kasta oo ay qowmiyadda uu kasoo jeedo ee Shiinees-ka ay ahaayeen kuwo ugu badan gudaha Sinpaore, hadana wuxuu oggolaaday inuu fursad siman la wadaajiyo qowmiyadaha kale ee la nool sida Hindida, Malayga iyo wixii lamid ah.

Tanina waa wajigii koobaad ee sinnaan iyo cadaalad dareensiisay dadka laga tirada badnaa. Waxayna aqbaleen inay dowladda ku garab istaagaan hal-ku-dhagga ay jideysay ee ahaa One Singapore.

Natiijada ka dhalatay ayaa noqotay inay dugsiyada dalkaasi kasoo baxaan jiil isku af ku hadla; kuna faana hal wadan oo kawada dhaxeeya.

Lek Wan Yew wuxuu sidoo kale fahmay in la helo balad qawaaniin leh si loo ilaaliyo midnimada mujtamaca. Tusaale ahaan, waxaa ciqaab xabsi lagu muto noqotay in qofku ku hadlo hadallo cunsuriyaysan – ama ilaa hadda uu qofku ku qoro baraha bulshada. Maadaama ay kala qowmiyado yihiin, waxaa manhajka dalka lagu soo kordhiyay maadooyin sahli kara is-barashada qowmiyadaha dalka wada leh.

Xukunka dowladdu kaliya kuma dhaco muwaadiniinta, wuxuu sidoo kale gaaraa ajaaniibta dalxiiska u timaada gudaha dalka. Mar waxaa dhacday muwaadin Maraykan ah uu khilaafay qawaaniinta u dhigan sharciga Singapore. Waxaa lagu xukumay garaacis, ganaax iyo musaafurin. Tanina waxay xittaa keensatay inuu soo fara-geliyo madaxweynihii waqtigaas ee Bill Clinton.

Dhinaca shaqa-abuurka, Yew wuxuu istusay inaan shacbiga lagu maamuli karin wax-soo saar la’aan. Wuxuu bilaabay ol’ole ballaaran oo lagu kobcinayo maal-geshiga dibadda iyo wax soo saarka gudaha ah. Tani waxay sahashay in sanado kooban gudahood, da’yarta ku nool Singapore ay helaan shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda.

Singapore maanta waa dalka ugu nadifsan dunida; uguna bilicda qurxoon waayo deegaan quruxsanaantu aalaaba waxay ahayd ahdaafta ugu weyn ee maamulka Lek Wan Yew ku taami jiray. Hayeeshe, tani waxay isku badashay il kamid ah ilaha dhaqaaluhu uga soo xeroodo dowladda oo sanad walba waxaa dalxiis looga kala yimaadaa dunida dacalladeeda.

Howsha nadaafaddu aalaba ma ahan fogeynta qashinka. Waxay sidoo kale tahay fursad qashinka mar labaad looga faa’iideysto – waayo waa kheyraad muhiim ah. Gubisteeda aalaba waxaa laga dhaliyaa danab koronto oo dowladda u badbaadisa dakhli inuu kaga baxo soo iibsiga shidaalka. Waxaase yaab leh, xashxashka kasoo baxa qashinka la gubo, waxaa loo qaadaa – in jaziirado cusub loogu sameeyo Singapore.

Lek Wan Yew wuxuu noqday ra’iisul-wasaarihii ugu muddada dheeraa taariikhda lahayo oo xilka hayay intii u dhaxeysay sanadihii 1959 -1990. In kasta oo lagu dhaliilay xakame adag inuu ku qabtay xurriyadda hadalka, hadana wuxuu guuleystay inuu dadkiisa kala diriro musuqmaasuqa iyo laaluushka.

Waxaa si siman xukunka loogu qaadaa qofka kasta oo lagu helo musuqmaasuq iyo wax is dabamarin – u eegis la’aan qofnimadiisa. Wasiirka, xil-dhibaanka iyo qofka caadiga ahba way u siman yahay garsoorka hortiisa.

Geeridiisu waxay noqotay tii ugu xanuunka badneyd ee soo marta muwaadiniiinta Singapore. Wuxuu mutay xaq loogu tiiraanyoodo – in kasta oo Buudis ahaa, hadana wuxuu si siman ugu dhex sugnaa muwaadiniintiisa kala diimaha ah. Wuxuu ka tagay dal ka fog kana fiican siduu ahaa markii uu qabtay taladiisa.

Yew waxaa lagu tilmaamaa waliba inuu kasoo jeeday qoys hodantooyo ah oo uusan siyaasadda usoo gelin dhaqaale, balse uu dareemay inuu dadkiisa ku nooleeyo heerka ugu sarreeya nolosha aadanaha. Wuuna ku guuleystay gabagabadii.

Haddii Masaarida codsiga la weydiisatay 1964-kii ay maanta isku diyaariyaan inay soo hiigsadaan heerka ay taagan tahay Singapore, waxay ku qaadaneysaa inay tiigsadaan ilaa iyo marka lagaaro sanadka 2080-ka.

Hoggaanka Soomaaliyeed ee majaraha umadda gacanta ku dhigana, hankiinnu yuusan ka hoos marin ugu yaraan inaad albaabada u furtaan kacaan is-badal oo umaddan u horseeda barwaaqo iyo wada noolaansho.

Maahmaah Afrikaan ah ayaa tiraahda: haddii aad isu heysato inaadan saameyn yeelan karin, isku day inaad qol iskula xirto Kaneeco.

Taariikhdu waa mudan waana tiro marqaati leh!

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Hiraal86@gmail.com

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan