Himilo- Hantida bilyaneerada caalamka ayaa hoos u dhacday markii ugu horreysay muddo ku simman 10 sanno sida ay tilmaameen warbixino cusub.
Bankiyada UBS iyo PwC oo ah halka inta badan bilyaneerada dunida ku keydsadaan lacagaha ayaa xaqiijiyay hoos u dhaca iyadoo immika lagu qiyaasay hantida maal-qabaneenada 388 Bilyan oo doolar.
Sida ay qortay wakaalada Reuters, waxaa arrintan loo celinayaa hoos u dhaca hantida bilyaneerada Shiinaha oo ah dalka 2aad oo ay ku nool yihiin maalqabeenada caalamka.
Waxaa kale oo loo aaneynayaa saameynta xiriirka ganacsi ee Mareykanka iyo Shiinaha oo sii xummaanayay waayihii danbe.
Joseph Stadler oo katirsan bankiga UBS ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo ay hoos u dhacdo hantida bilyaneerada caalamka tan iyo sannadkii 2008-dii.
Bilyaneerada caalamka ayaa sii yaraanaya marka laga reebo labada qaaradood ee Ameerika sida lagu xusay warbixinta Reuters.
Inta badan bilyaneerada dunida ayaa wajahaya walwal badan oo ay ka qabaan xiisadaha ganacsiga ee caalamka, taasi oo ka reebaysa inay difaacdaan hantidooda.