Himilo – Haweenay u dhalatay dalka Hindiya ayaa dacwad ka gudbisay saygeeda iyada oo ku eedeynaysa in uusan qubeysan oo uu yahay qof aan ku wanaagsaneyn nadaafadda.
Soni Devi oo ka soo jeeda dagmada Vaishali ayaa toddobaadkan gudbisay dacwadda maxkamadda iyada oo dooneysa furriin islamarkaana cuskanaysa in saygeeda uu ku xun yahay nadaafadda oo keliya uu qubeysto hal jeer 10-kii maalin.
Haweenayda 20 jirka ah ayaa sheegtay in guurka ninkeeda oo ah ragga ka shaqeeya tubbooyinka uu yahay mid ay ku dareemayso bahdilnimo islamarkaana baabi’iyay nolosheeda.
Ms Soni Devi ayaa qoraalka rasmiga ah ee dacwadda ku sheegtay in saygeeda uusan xattaa caddeysan ilkaha iyada oo dalbatay furriin deg deg ah.
“Saygayga ma qubeysto ku dhawaad 10 maalin, waxaa intaa dheer ma caddeysto ilkaha mana laha dhaqan bulsho,” Soni ayaa intaa raacisay hadalkeeda.
Marwada reer Hindiya oo sii wadata hadalka ayaa tiri “ Ma heysano carruur, xattaa xiriirkeenna ma aha mid farxad leh, nolosha macno malaha.”
Ururka haweenka gobalka SWC ayaa qabtay dacwadda haweenayda laakiin inta aan la qaadin tallaabooyinka xiga, waxaa fursad loo siiyay lamaanaha muddo labo billood ah oo ay ku xallin karaan dhibaatada jirta.
Sayga haweenayda Manish Ram oo la hadlay wargeyska Times of India ayaa sheegay in uu doonayo nolosha xaaskiisa islamarkaana uu dadaal ku bixin doono sidii uu isbadal u sameyn lahaa.