Heerarkii ay soo martay wax beerashada iyo halka ay maanta joogto

Himilo – Kaalinta beeraha ee nolosha ayaa ah mid soo jireen ah, heerar kala duwan soo martay isla markaanna weli lagu tiirsan yahay dheefta ka soo baxda.

Bani’aadamka ayaa qarniyo iska soo dhaxlayay farsamada beer qodoshada, waxa mar kasta ku xanbaarayay ayaa ah helidda waxay ku maareyaan noloshooda.

Tabaha wax tacbashada ayaa isa soo tarayay sanadba sanadka ka dambeeya, waxaa soo kordhayay aqoon iyo farsamooyin dheeraad ah.

Waxaa isbeddelay aragtiyo markii hore laga haystay dhul beeraha. Waxaa jirtay xilli dadka beeraleyda ah loo arkay inay nolosha heer hoose ka joogaan.

Waayo aragnimo laga dhaxlay abaaro sababay gaajo loogu halaagsamay kadib waxaa la garowsaday inaan beeraha laga maarmi karin.

Waxaa dhashay feker iyo maskaxshiil ku aroorayay sidii wax beerashada looga dhigi lahaa mid lagu sameeyo maal gelin dhinac kasta ah.

Waxaa la helay qalab iyo technolojiyada casri ah oo suura gelin kara in beeraha laga soo saaro wax soo saar kala duwan oo aad u badan.

Waxaa curtay kacdoon dhulkan inoo goglan looga faa’iideysanayo, arrintu waxay noqotay ninba taagtii iyo tabartii ha ku tallaabsado tacabka.

Tani waxay horseeday inay dawladaha qaar gaareen heer ay dalal kale quudiyaan, markii ay dabooleen baahida cunno gudahooda.

Nasiib darro se kuwo kale oo leh dhul ku wacan wax beerashada waxay ka qatan tihiin anfacada ku dhuugan ee dhigooda ay ku nasteen.

Dadka aqoonta u leh degaanka ayaa aaminsan in dhulka uu yahay wax si fudud looga taajiri karo balse aan lagu baraarugsaneyn dhuuxida dheefta dhextaalla.

Soomaaliya waxay leedahay dhul beer aad u baaxad weyn kaas oo la rumeysan yahay inay ka bixi karaan dallagyo dibadda nooga yimaadda.

Marka la is barbar dhigo dhulka u diyaarsan tacbashada iyo dadka ku jira hawshan iska ma laha, waxay muujiyneysaa inaanan dad ahaan, bulsho ahaan iyo dawladda ahaanba diyaarsaneyn.

Inta yaanbada dhulka lagala caagan yahay waxay u badan tahay inaan la gaari doonin isku filnaan dhaqaale oo ay bulshadeennu kaga wada gama’do mushkiladaha nololeed.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan