Qormadan oo dhowr dhinac ka iftiimineysa doorashadii ka dhacday Kenya, waxaa qoray oo bartiisa Face book soo dhigay xog-hayaha ururka Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabbdalla Axmed Muumin. Wuxuu ku billaabay qormada.
Waxaan fursad u heley inaan ka mid noqdo korjoogtada warbaahinta ka socota ee indha-dheyneysa doorashada dalka Kenya, anagoo soo marnay dhowr goobood oo Nairobi ku yaalla ayna ku jirto xaafadda Islii ee ay Soomaalidu deggan tahay. Waxaana wareysi la yeeshay dhowr ka mid ah shaqaalaha doorashada iyo dadka codeynaya.
Doorashadan waxay ka duwan tahay kuwii horay uga dhici jiray Kenya. Waxaana jira arrimo waaweyn oo markan ay dadka codeynaya ku kala qeybsan yihiin. Waxaa la dooranayaa illaa lix jago oo isugu jira madaxweyne, xildhibaanada aqalka hoose, xildhibaanada aqalka sare, xildhibaanada golaha degaanka, guddoomiye gobol [county] iyo xildhibaanka haweenka. Qofka codeynaya waxaa la siinayaa illaa 6 warqadood oo ay ku qoran yihiin magacyada iyo kuraasta lagu tartamaayo.
YAA CODEYNAYA?
- Kenya waxaa ku nool dad u badan Kirishtaan oo gaaraya illaa 50 milyan oo ka kooban 40 qabiil, sida uu muujinayo tirakoobka dowladda. Kikuyu-da ayaa ah qabiilka ugu dadka badan, halka Soomaalida oo hal QABIIL ah ay ku jiraan lambarka lixaad.
- Waxaa codeynaya 22,120,458 codbixiye oo ku kala baahsan 290-ka degmo doorasho. Waa tiradii ugu badneyd oo doorashada Kenya isu diiwaangelisa.
- 46,229 oo xarun ayaa codka laga dhiibanaayaa. Goobaha codbixinta ayaa shalay aroortii 6:00am subaxnimo furmay, waxayna codeyntu socotay illaa galabtii 5:00pm.
YAA TARTAMAYA?
- Afar musharax ayaa u tartameysa jagada madaxweynaha. Waxaana ugu caansan ninka madaxweyne ku xigeenka ka ah dalka William Ruto iyo Raila Odinga oo horey ra’iIsul wasaare u soo noqday.
- 2,132 musharaxiin ah ayaa u tartameysa 290 kursi ee Golaha Shacabka [Baarlamaanka], halka 12,994 musharaxiin kale ay u tartamayaan 1,450 kuraasta golaha deegaanka (MCA).
- 340 musharrax kale ayaa ku tartameysa aqalka sare ee baarlamaanka oo ka kooban 47 kursi. Halka 266 ruux ay doonayaan jagooyinka guddoomiyenimo ee 47-da gobol. Illaa 359 kalena waxay rabaan 47-ka kursi ee haweenka ay ku leeyihiin baarlamaanka.
CAQABADAHA JIRAY
Meelaha qaar waxay dadka codeynaya la kulmeen caqabado ay ka mid tahay internet-ka oo shaqeyn waayey maadaama aaladda xaqiijinta aqoonsiyada ay ku shaqeynayaan internetka. Illaa saddex gobol oo ay ku jiraan Mombasa iyo Kakamega ayaa iyaguna la sheegay in codeynta kuraasta xildhibaannada dib loo dhigay kaddib markii warqadaha codeynta ay isku qasmeen.
EEDEYMO LAALUUSH OO JIRA
Waxaa aad u soo baxaya eedeymo ku saabsan in goobaha qaarkood dad ay lacag ku qeybinayeen si ay codbixiyaasha u sasabtaan. Waxaa ka mid ah Kirinyaga walow boliisku ay sheegeen inay baaritaan ku wadaan arrinkaasi.
GOORMAY NATIIJADA SOO BEXEYSAA?
Sida ay sheegayaan hawl-wadeennada doorashada, waxaa suuragal ah in saddex maalmood la sugo natiijada doorashada, taasoo ku beegan maalinka Jimcaha ee soo socda.
SOOMAALIDA IYO DOORASHADAN
Dhallinyaro badan oo Soomaali ah ayaa u tartameysa kuraasta qaarkood laga billaabo xildhibaannada baarlamaanka, guddoomiyaasha gobollada iyo golayaasha deegaanka. Sidoo kale, Soomaali badan ayaa codeyneysa sannadkan walow ay aad ugu kala qeybsan yihiin cidda ay codadka siinayaan.
W/Q: Cabbdalla Axmed Muumi