Himilo – Laacibkii hore ee Manchester United ayaa kamid ah ciyaartoyda lala xiriirinayo u dhaqaaqista Camp Nou.
Tababaraha Barcelona, Ronald Koeman ayaa calaamadeystay la saxiixashada Memphis Depay kaasi oo ka tirsan Lyon. Kahor inta uusan suuqa kala iibsiga xirmin October 5, inkastoo heshiiska u dhawaa mid dhammaad u muuqanaya.
AD ayaa weydiisay haddii laacibka ay u dhaqaaqayaan bisha January, ayaa yiri: “Waa suuragal. Waan isku dayi doonaa, maxaa yeelay waxaan doonayaa in aan ku arko Barcelona, balse ma garanayo wax la xiriira xaaladda dhaqaale ee kooxda. Waan sugi doonaa”.
26-jirkaann ayuu dhacayaa qandaraaskiisa kooxda Lyon xilli ciyaareedka soo aadan.
Radio Himilo
