Himilo – Ilmaha aad u jeedaan ma noola hooyadii dhashay. Aabahoodna wuxuu ku jiraa xabsi. Waana rejay jaceylkii hooyo-nimada goor hore oo noloshooda ah waayay. Laakiin waxay heystaan bulsho jecel oo daryeelkooda degta saartay.
Balse intaan idin la wadaagin kaalintaas bulsho, aan wax idin kaga sheegno siduu ahaa hadda kahor halgankooda.
Carruurtan curadkooda 15-jirka yahay, waxaa ugu yar 4 jir aan kala ogeyn hooyo iyo aabbo la’aan, hayeeshe luqadda qura oo uu rabitaankiisa ku muujin karo ay tahay oohin marka uu gaajoodo.
Taniyo markii hooyo dhimatay, noloshu uma sahlaneyn. Curadka reerka ayaana ahaa isha qoysku ku tiirsan yahay. Wuxuu soo helo waxay u ahayd dhereg iyo habeen uu baahida uga gaashaamay walaaladiis. Marka ilmaha kale ay dhereg ku seexdaan, iyagu waxaa dheelalowga habeenkii u dheeraa bogga oo gaajo awgiis lasoo godma.
Mararka qaar jaarka ayaa cuntada iskugu soo ururiya.
Dadka deriska la ah ilmahan waxay indhahooda ku arkeen sida adag oo carruurtani ula daala-dhacayaan dhacsiga nolosha. Karaankoodana kama hagran jirin hadba wixii ay ku tari karaan.
Guriga ay ku nool yihiin waa jiingad duug ah oo fallaaraha cadceedda iyo dhibicda roobka aan xejin Karin. Habeennada qaar kolka roob mahiigaan ahi mirto, waxay iska taagaan hal dhinac oo ka fiyow jiingada si ay ugu okortaan. Waxaa intaas u dheer waxay ku degan yihiin ijaar. Mana awoodaan inay iska bixiyaan kirada.
Aadidda iskuulka iyo waxbarashaduna uma sahlana. Ka fikirka dhuunigii ay cuni lahaayeen ayaa kahor istaagay inay dhib yaraan ku quudiyaan maskaxdooda cilmi iyo aqoon. Sidaas awgeed ayay uga hareen tacliinta.
Lurse kuma hayso middaas. Laxawga ugu daran wuxuu ka heystaa sida maalinta xigta ay ku heli karaan waxay cunaan.
Tabaalaha iyo duruufaha adag oo ay waaya’arag ku noqdeen carruurtan goor hore oo cimrigooda kamid ah, waxay soo jiidatay indhaha dadweynaha xaafadda iyo dowladda hoose.
Waana halka uu kasoo bilowday is-beddelka ku dhacay noloshooda.
Wadajir iyaga oo iskaga kaashanaya wax u qabashadooda, dadka degaanku waxay ku guuleysteen inay deeq lacageed u ururiyaan; waxaana loogu dhisay guri ay kaga harsadaan milicda kulul ee qorraxda iyo qabowga roobka.
Rajadii ka libdhatay ee ahayd inay wax-bartaan ayaa dib loogu nooleeyey. Waxaana ay u dareereen iskuullada. Mas’aladii gaajada ahayd oo cadaw aan la mahdin iyo col-u-joogga nolosha ku ahayd waxaa loogu helay maaro. Waxaana hadda ay awoodi karaan inay sadddexda waqti wax cunaan.
Waxaa intaas oo dhan ka muhiimsa in loo keenay haweeney booska waalidnimada u buuxisa oo daryeelkooda iyo barbaarintooda ka caawisa.
Mararka qaar waxaa lagaa qaadaa wax agtaada qaali ku ah si Eebbe kuu tuso inuusan cidlo iyo cawa daran kaaga tagin balse uu kuu yeelay beddel kheyr badan.
Sheekada ilmahanina waxay tusaale u tahay inaanu Ilaahay dayaceynin addoomadiisa – gaal iyo Muslimba oo naxariistiisa guud ay ku wada helayaan ifka.