Himilo – Dadka qaar waxaa ku adag qaadashada labo moobil. Laakiin ninkan, wuxuu heystaa 1,000 telefoonada gacanta ah. Waxa yaabka leh ee qisadiisa ku jira waa inuu haddana maalin walba iibsado telefoon cusub oo hor leh.
Ganacsade walba oo iibiya mobilladana wuu yaqaan ninkan. Waana mid kamid ah dadka ugu maalqabeensan xaafaddiisa.
Ma rumeysanid laakiin dhamaanba telefoonada uu heysto waa kuwo shaqeynaya oo lagu hadli karo.
Meel walba oo qolkiisa kamid ah ayayna daadsan yihiin. Wuxuu u tix-geliyaa mobillada saaxiibadiisa dhabta ah.
Kaligiis ayuu nool yahay. Sbabta oo ah madoonayo qof inuu lasoo dego kadibna ka xado mobilada.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayuu da’yarkan ku nool yahay. Dad bandanna waxay kaligiis garan karaan muuq ahaan laakiin magaciisa ma yaqaanaan. Waxaase ay ugu yeeran ninka telefoonka madaama uu qabtimay iibsiga iyo keydsiga mobillada
Magaciisu waa Ismail SHacbaan. Kuma soo iibsan waxaan oo telefoonno ah maalin kaliya; bil qura; ama sannad gudihiis. Wuxuu soo waday howlgalkiisa iibsashada mobillada muddo 22 sanadood ah oo ku beegan sannadkii 2000.
Wuxuuna taniyo goortaas go’aansaday inuu keysado mobil walba oo uu soo iibsado. Dibna isagama iibin jirin ilaa ay tiro ahaan ka gaareen 1,000 xabo.
Dadkii uu imaan jiray ayaa marmar ka xadi jiray moobillada. Sidaas darteed, kali noolaanshaha waxaa usii dheer xeer adag oo ka yaal mobillada. Qof walba oo soo booqda waa inuusan taaban hal telefoon oo kamid ah mobiladiisa.
Qofba wax ayuu jecel yahay. Ismaaciilna wuxuu sheegay inuu jaceylkiisa siistay keydsiga mobillada.
Waxa yaabka leh waa in mararka qaar marka uu banaanka u baxo si uu cunno ama shey kale oo mahuraan ah usoo iibsado uu iska hilmaamo haddii uu arko mobil uu iibsan karo. Weligiisna kama qoomameyn soo iibsashadiisa telefoonnada
Xattaa waxaa qabyo uga noqday gurigiisa oo muddo sideed sano ah aanu dhisin madaama lacagtii uu ku dhisan lahaa beddelkeeda uu kusoo iibsaday mobillo.
Qaar badan oo kamid ah mobillada uu saaxiibadiisa ku magacaabay waa kuwo duugoobay. Waxaase ka badan inta cusub ee dhawaan un kusoo biiray keydkiisa. Waxay isugu jiraan kuwa caaqilka ah ee loo yaqaan smartphone-ka iyo kuwa yaryarka ah.
Dadku aalaaba way kula yaabi jireen ficilkiisa lama filaanka ah. Balse hadda wuxuu helayaa aqoonsi iyo garawshiiyo loo muujiyo oo heer xaafadeed gaarsiisan.
Hadda beddelkeeda ay shalay ugu qosli jireen, waxay ula yimaadaan mobillada ay naceen si uu kaga iibsado.
Ismail wuxuu sheegay inuu hadda la nool yahay riyadiisa. Waxa kaliya oo uu doonayana ay tahay inuu helo in ka badan tirada mobillada uu hadda heysto.
Dadka qaar baa riyadoodu tahay helidda guryo qurxoon, gaari kala jeeda, iyo hanti muuqata. Balse Ismacil wuxuu u muuqdaa inuu u go’ay hal rabitaan oo qariib ah.
Balse waxaa la arkaa inuu mustaqbalka ka sameeyo lacag adag madaama mobiladani ay matxafyada iyo meelaha lagu keydiyo taariikhaha muhiim u yihiin.