Home / Maalmaha Caalamiga / Maalinta caalamiga ah ee La-dagaalanka Addoonsiga Carruurta

Maalinta caalamiga ah ee La-dagaalanka Addoonsiga Carruurta

Himilo – Maalinta caalamiga ah ee La-dagaalanka Addoonsiga Carruurta waxay diieradda saaraysaa sameynta ficillada horay loogu qaadi karo dhammeynta ku-shaqeysiga iyo shaqaalaysiinta carruurta.

Sannad kasta 12-ka June Maalintan Caalamiga ahi waxay isku keentaa dowladaha, iskaashatooyinka  xoogsatada, ururrada bulshada rayidka ah iyo shaqiyaad dunida isaga kala yimaada si loogu oftiimiyo ayaandarrada iyo aramida xanuunka leh ee ka dhalanaysa addoonisga carruurweynaha adduunka iyo sida iyo waxa laga yeeli karo si loo gargaaro.

Barnaamijka Himilada fog ee horumarka joogtada oo ay madaxda caalamku wada saxiixeen sannadkii 2015-ka waxaa qeyb ka ahaa in dib-u-eegis iyo maareyn sugan loo helo dhammeynta ku shaqeysiga carruurta. Barmaamijkaasu wuxuu hoosta ka xariiqayaa in tallaabooyin iyo halbeegyo sugan loo helo cirib-tirka addoonsiga qasabka ah ee ku shaqeysiga carruurta, qafaalka iyo ka-ganacsigooda qof ahaaneed sida in la iibsado ama lagala baxo xubnaha muhiimka ah ee jirkooda. Waxaa kale oo loogu yeeraa umadaha inay mowqif adag iyo ka go’naan dhab ah kala hortagaan askareynta iyo ku takrifalka sandullaha ku dhisan ee shaqaaleysiinta carruurta.

Maanta, duni ahaan, ku dhawaad 218 milyan oo carruur ah ayaa ku jira shaqooyin qaarkood joogto ah. Ma aadaan dugsiga si wax loo baro; mana helaan nafaqda iyo daryeelka aas-aasiga ah ee nolosha. Waxaa laga hor istaagaa fursaddii carruurnimada. Waxaase kasii halis iyo uur-ku-taallo badan in qarkood ay ka xoojiyaan goobo halis ah iyo shaqooyin qatartooda leh sida ka-ganacsiga jirka ama dhilaysiga, dagaallada, iyo dabcan daroogada.

Dhammeynta tacaddiyada iyo addoonsiga carruurta lagu hayo kama dhigna diidmo ka dhan ah inay goor hore oo noloshooda kamid ah ay u diyaargaroobaan halganka nolosha iyo dhacsiga kasbiga. Waase buuxinta ama xoojinta booskii waalidiintii dhalay ay ahayd inay ugu jiraan. Taasina waxaa uga lumaya xaqii aas-aasiga u ahaa ee carruurnimada oo ay ahayd inay ku raaxaystaan nolol loo damaanad-qaaday – koolkoolin iyo koriinsho labadaba.

Siyaasadaha ka jira waddamo badan ayaa u horseedaya xubnaha qoysaska kuwooda nugul sida haweenka iyo carruurta inay u banbaxaan si ay usoo dhacsadaan dhuuniga maalmeed. Halgankas gudihiisa ayaana ka dhasha tacaddiyo iyo xadgdubyo dhaawacaya noloshooda oo lagula kaco. Madaama aysan awoodi Karin inay isu-tagaan ama ay dallado ay ku midaysan yihiin sameystaan, waxaa midba uu gaarkiisa u wajahaa harjad hagardaamo iyo halis badan.

Qaar badan waxay u dhintaan iyaga oo ku jira halgankaas. mana helaan magdhow iyo cawilcelin toona. Halka kuwa waxyeelooba ay badanaa nolosha ku dhammeystaan naafanimo iyo dayacaad.

Meelaha maanta oo kale ay muhiimka tahay in heer bulsho ah loogu baraarugo waa carruurta ka xoojiya guryaha ee gabdhaha ah oo la yiraahdo adeegtada ama jaariyadda kuwa lamidka ah iyo dabcan wiilasha aan qaangaarin ee shaqooyinka caseeyanimada ama baalashidda u badan ka qabta waddooyin magaalooyinka.

Waxay u badan tahay inay kala kulmaan bahdilaad iyo hanjabaad joogto ah dadka ay la macaamilaan ama u shaqeeyaan; waxaa kale oo jira duudsiis ama dafiraadda la xiriirta siinta xaqqa ay leeyihiin.

Dhibaatada addoonsiga carruurtu waa mid jiraysa inta dalal badan aysan siyaasad cad iyo barnaamij daahfuran kala hortagayaan dhammeynta ku shaqeysiga carruurta. Dalal badan ayaase goor hore ku guuleysanaya inay dhimaan tirade carruurta ka xoojiya goobaha shaqada, taas lidkeedana u sahlaya inay dib ugu noqdaan dunidii ay xaqqa u lahaayeen inay kula naaloodaan ilmaha kale.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan