Home / Macluumaad / Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed oo la xusay

Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed oo la xusay

Muqdisho – Xaflad lagu weyneynayay maalinta warbaahinta Soomaaliyeed oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka suxufiyiinta qaranka iyo daladda SOMA ayaa lagu qabtay Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.

Qeybaha kala duwan ee saxaafadda oo iskugu jira rag iyo dumar; qorayaal Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale oo madasha soo xaadiray ayaa si farxad leh uga sheekeeyey mudnaanta ay ku fadhiso maanta oo kale.

Maxamed Ibrahim Macalimu, xog-hayaha NUSOJ oo kamid ahaa madaxii kazoo qeyb-gashay ayaa isaga oo aqrinayay warbixin sanadeedka ururka, wuxuu tilmaamay inay keydiyeen tacadiyo dhowr ah oo ay la kulmeen suxufiyiintu.

“Sanadkii hore wuxuu ahaa sanad kale oo dhibaato ay soo gaartay suxufiyiinta Soomaaliyeed. Waxaa la xiray wariyayaal gaaraya 50: waxaana la dilay laba kamid ah wariyaasha. Tanina mahelin falcelin dhanka dowladda ah oo daba-gal ku sameysa. Waxayna tani muujinaysa sida aan xil la iskaga saarin badqabkooda,” ayuu yiri Macalinow oo marti-sharafta u sheegay inuu siin karo nugullada warbixineed ee sanadlaha ah.

Aqoon yahan Maxamed Abdullahi Sheegow, oo qoray buugaag uu kamid yahay buugga magaciisa hal-ku-dhag ahaan loo qaatay ee U hiili Afkada Hooyo, ayaa bahda saxaafadda uga jawaabay su’aal uu hordhigay oo aheyd haddii askariguba ku dagaallamo hub, waxa ay iyaguna hub ahaan u adeegsadaan?

“Waxa ugu weyn ee aad ku dagaal-galaysaan waa af-Soomaali. Marka adeegsiga aad ereyada afka u qaadanaysaan iska ilaaliya: waayo waxaad tihiin tiir muhiim ah oo kamid ah tiirarka u taagan badbaadinta afka,” ayuu tilmaamay Sheegow oo intaas kusii daray in wariyayaasha fahmaan af-guri kasta iyo sida loo adeegsado.

Marka loo eego, madaxa tababarrada ee SOMA, gudaha dal dowladdiisa caqabado dhowr ah ay la dageen howlaheeda, helidda wargeys u dhigma sida Xidigta Octoobar waa mid wali suuragali la’.

“Dhicisow wuxuu yiri; waxaad dayacdeen wargeysyadii: laakiin markii Octobar la daabacayay dhaqaale lagama raadin jirin; dowladda ayaa qarash ku bixin jirtay: waxay lahaayeen shaqaale iyo kaadirro u istaagsan tayayntiisa. Maanta dowladdu waxay ku fashilmatay inay wado wargeyska Dalka,” ayuu yiri isaga oo ka jawaabayay su’aal loo jeediyay warfaafinta.

Maalin Axad ah, 21 bisha Janaayo sanadkii 1973 oo ah markii ugu horreysay oo lasoo saaro wargeys ku qoran af-Soomaali sanad kadib markii la qoray afka, dadka sida weyn u xusuusan waxaa kamid ah Axmed Maxamud Dhicisow, tifaftiraha wargeyska toddobaadlaha ah ee Xamar.

Isaga oo ka hadlayay taariikhda saxaafadda dalka, Dhicisow wuxuu wargeyska dalka ku sheegay hooyada warbaahinta dalka – tiiyoo ay jiraan caqabado ragaadiyay taniyo burburkii. Wuxuuse si lagu faano ugu sifeeyey wargeysyada keyd aan lumeyn.

“Hooyada warbaahinta waa anaga: warbaahinta waa inaga – waayo warkan qornaa markaas ayan sida Soorta u baahinaa: idinkuna warkaad faafisaa. Markale, idinku maheshaan keyd qoraaleed: innaguse waan leenahay. Waxaa jirtay shil diyaaradeed oo hadda kahor dhacay, codadkii laga duubay waagaas, jagjag ayaa ku jira: annagana isagii oo qoran ayaa heynaa,” ayuu yiri Dhicisow oo intaas kusii daray in saxaafadda warfaafinta ah ay ugu yaraan ku garab istaagaan inay wax la qoraan ama ay ka gataan waxa ay qoraan.

Badi madaxdii ka hadashay madasha xafladda ayaa isku raacay ahmiyadda qoraal iyo wax aqriska. Hayeeshe, 44 sano kadib, warfaafinta codbaahiyaha sidata waxaa loo jeediyay inay keyd qoraaleed u sameystaan xogaha ay baahiyaan iyaga oo qaadanaya waanada dhaxal-galka leh ee laga qabtay abwaankii Soomaaliyeed oo ahayd: wixii qoran baa quruumo haree, muxuu hadal qiimo leeyahay?

In la fahmo hab qoraalka wareed ee suxufigu tebinayo oo la isla arkay inay saameyn togan ku kordhin karto tayada adeegsiga afka, ayaa wariyayaasha waxaa lagula taliyay inay afkooda ugu hiilaan adeegsi habboon.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Isha: radiohimilo.so

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan