Home / Macluumaad / Macallin – si aan loo qishin Imtixaanka – sameeyey fal cajiib leh

Macallin – si aan loo qishin Imtixaanka – sameeyey fal cajiib leh

Himilo – Macallin Maksikan ah ayaa laga ceyriyay shaqadiisa kaddib markii uu ardaydiisa kartoon u geliyay madaxyadooda si aanay u qishin imtixaan ay u fadhiyeen in laga qaado.

Luis Juárez Texis, oo ah bare dhiga El Sabinal waxaa lagu eedeynayaa inuu bahdilaad iyo ku xad-gudubka xuquuqda aas-aasiga ah ee aadanaha kula kacay ardaydiisa kaddib markii baraha bulshada ay ku baaheen muuqaal muujinaya arday madaxa loo geliyay kartoon afar-gees ah.

Waalidiinta ardayda oo aad uga carrooday falka macallinka ayaa dowladda ugu baaqay inay tallaab degdeg ah ka qaado baraha.

Sawirrada laga soo qaaday ardayda ayaa la wadaagay in ka badan kumaan kun, waxaana ay qabsadeen wararka ugu doorka roon dalka Maksiko.

Si kastaba, halkii ay ka dhaleeceyn lahaayeen baraha, waxay u jeediyeen boggaadin iyo hambalyo.

“Shaqo wacan ayaa qabatay, waxay ila tahay in waalidiintu aanay ka walwalin kartoonnada madaxa ugu jira ilmahooda, balse ay ka fikiraan wax-barashadooda,” ayuu yiri mid kamid ah.

“Hambalyo ustaad, waad asiibtay,” ayuu sii raaciyay mid kale.

Ma ahan markii ugu horreysay oo sheekadan oo kale ay soo if baxdo. Mana ahan mid ugub ah. Sannadkii 2013-ka, dalka Thailand arday ayaa lagu amray inay xirtaan koofida la yiraahdo ‘helmet’ si looga hortago inay qishaan imtixaanka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan