Himilo – Masuuliyiinta caafimaadka ee gobolada dalka mareykanka ayaa waxay ka digayaan in dawada xoolaha loo adeegsado iska daweynta cudurka Karoona.
Digniintan ayaa timid kadib markii gobolka Mississippi waaxda u qaabilsan caafimaadka ay soo werisay dad qaatay dawo lo’aad kadibna ku sumoobay.
Hay’adda mareykanka u qaabilsan hubinta cunada iyo daawada ayaa barteeda Twitterka ku soo qortay qoraal aad loo wadaagay u dhignaa sidan.
“Ma tihiin Faras, ma tihiin sac. joojiya!. adeegsiga dawada xoolaha waxay bani aadanka u leedahay dhibaayooyin waxyeelleyn kara.”
Hay’addu waxay sheegtay inay soo gaareen xogaha dad badan oo u baahday caawin oo istitaalo la geeyay ka gadaal markii ay adeegsadeen dawo fardaha loogu tala galay.
Mareykanka wuxuu ka mid yahay waddamada uu aadka u hala-keeyay safmareenka. keliya 52 boqolkiiba ayaa helay tallaalka Karoona dadka dalkaas.