Himilo – Soomaaliya waxay u diyaar garowbeysaa doorasho aad u daahday oo waqti dheer qaadatay, dhib u dhaceeda wuxuu sababay qal-qal amni iyo mid siyaasadeed. Magaalada Muqdisho ayaa xilliyada qaar waxaa isaga hor imanayay wadooyinkeeda ciidamo hubeysan oo is diidan.
Dhibaatadaas waxay ka dhalatay baarlamaanka 10 oo labo sano oo dheeraad ah ugu daray dowlada haatan jirta arrintaas waxay dhalisay inay ciidankii dalku u kala baxaan mucaarad iyo Muxaafid.
Wadada madaxtooyada gasha ayaa noqotay goobta keliya ee isha lagu hayo oo dhinacyadu ay ku loolameen, ugu dambeystii waxaa arrinta lagu gabagabeeyay in doorashada iyo amnigeeda lagu wareejiyo ra’iisul-wasaaraha, waxaa meesha ka baxay mad-madowgii doorashada soogalay.
Waxaa markaa si toos ah loogu wareejiya Ra’iisul-wasaaraha heshiiskii 17-kii September, kaa oo ugu dambeyntii soo afjaray qilaafkii doorashada.
Sida uu heshiiskaas dhigayo waxaa dowlad goboleed kasta loo asteeyay labo degaan doorasho oo ka dhigay shanta dowlad goboleed oo min labo degaan doorasho ah. Isjiid-jiid dheer kadib waxaa la gaaray maalintii dhaarinta xildhibaanada lasoo doortay waxa ay ka dhacday xerada ciidanka Police-ka ee AFISONI 14 April ‘2022’ waxaa halkaa ku soo idlaaday ismari-waa soo taagnaa mudo labo sanno kudhow. Doorashadii gudoonka baarlamaanka kadib waxaa lagalay wejiga ugu dambeeyay ee doorashada kadib markii la iclaamiyay waqtiga rasmiga ah ee madaxweynaha la dooranayo oo ah 15 bisha May.
Sidee madaxweynaha Soomaaliya loo doortaa?
Sida duniga kale soomaalidu sooma doortaan madaxweyna dalka hoggaaminaya taas beddelkeeda madaxweynaha waxaa dooranaya xildhibaano gaaraya 329 mudane.
Codeynta waxaa loo qabtaa si qarsoodi ah 329 mudane oo ka kooban labada aqal ayaa la filayaa inay codkooda dhiibtaan. Musharaxa guuleysanaya waxaa laga doonayaa in uu helo sadax-meelood labo, oo u dhiganta ‘219’ cod si uu ugu guuleysto wareega koobaad.
Haddii la waayo musharax buuxiya shuruudaha wareega koobaad waxaa loo gudbayaa wareega labaad, afarta musharax ee ugu codka badan ayaana gudbeysa.
HadDii mid kamid ah musharixiinta sadax-meelood labo uu buuxin waayo waxaa loo gudbayaa wareega sadaxaad oo dhaxmari doona labada musharax ee ugu codka badan. Wareega ugu dambeeya waxaa ku guuleysanaya qofka keena hal cod dheeri. Sidaas ayuu ku soo baxayaa qofka noqonaya madaxweynaha Soomaaliya.
Haddii natiijada doorashada leysku qabsado maxaa la sameynayaa|?
Sida uu qabo dastuurku ku meel gaarka ag haddii natiijada kama dambeysta ah ee doorashada laysku qabto waxaa loo noqonayaa maxkamada dastuuriga ah ee dalka, maadaama Soomaaliya hadda aysan ka jirin maxkamad dastuuri ah maxaa la sameyn doonaa?
Sida ay aqoonyahanadu qabaan waxaa la qaadanayaa labo midood
- In lagu noqdo doorashada laba musharax ee natiijada isku qabsatay loo sameeyo wareeg kale oo kala bax ah sida dhacday doorashadii aqalka sare oo markii leysku qabtay hal- cod oo qaldamay dib loogu noqday.
- In gudoonka ay gaaraan go’aan kama dambeys ah oo lagu kala saarayo labada musharax ee isku qabtay natiijada kama dambeysta ah.
Qore: Cali Hilowle