Home / Macluumaad / Maxaa muranka galiyay dhirirka buurta Everest?

Maxaa muranka galiyay dhirirka buurta Everest?

Himilo – Muddo ka badan toban sano oo muran iyo isriix-xriix ah, dowladaha Shiinaha iyo Nepal waxey ugu danbeyntii heshiis ka gaareen dhirirka buurta Everest, balse taasi kama dhiganaan doonto dhammaadka sheekada.

Joogga buurta ugu dheer caalamka ayey ku jaan gooyeen 8,848.86 mitir oo ka dhigan 29,031.69 feet, taas oo 0.86 Mitir ka dheer labadii cabbir oo ay mudada heysteen labada dal.

2005-tii, Shiinaha ayaa sahan uu ku sameeyay buurta sheegay in jooga badda ay ka sareeyso 8,844 mitir. Nepal oo saluugtay cabbirkaasi ayaa xustay in Everest dhirirkeedu gaarayo 8,848 mitir.

Heshiiska ay gaareen, ayaa lagu suntay mid soo idleyn kara muranka hareeyay dhirirka Everest, laakiinse sheekadu sidaasi maaha.

Sida ay rumeysan yihiin culumada cilmiga dhulka, dhirirka buuraha ayaa isbaddel uu ku yimaadaa mar waliba oo joogga badda uu sare u kaco amaba ay qaraxdo folkaano, taas oo keeni karta lagu murmo.

Dang Yamin, oo ka mid ahaa xubnihii Shiinuhu u diray inay soo indha-indheeyaan Everest, ayaa u sheegay wakaaladda Xinhua in dhirirkeedu isbaddeli karo, isaga oo tusaalle u soo qaatay folkaanadii qaraxday sanadkii 1934-kii taas oo xoogaa dhirir ah u kordhisay buurta Everest.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan
preload imagepreload image