Himilo – Taleefanada gacanta ee caaqilka ah ee aan badankeen adeegsano waa kuwa nuuga amaba qabsada bakteeriyada iyo ilma aragtida kale, kuwaas oo aysan suuroobeynin inaan biyo ku nadiifino. Haddase mushkiladaasi xal ayaa loo helay.
Shirkad fadhigeedu yahay Ingiriiska ayaa soo saartay Cat S42 mobile leh difaac guud oo iska xakameynaya boorka iyo bakteeriyada, waxaa uu yareeynayaa 99.9% in bakteeriyada fuusha dushiisa ay kobacda amaba faafto oo u gudubto ruux adeegsanaya mobileka 24 saac,sida uu daabacay Daily Mail.
Waxaa ku xiran miraayad ka celin karta biyaha, taas oo u ogololaaneysa macaamiisha qaata inay ku dhaqaan biyo iyo saabuun. Peter Hall oo ah cilmibaare ka tirsan jaamacadda Waterloo ayaa rumeysan in hindisahan cusub uu door ka qaadanayo xakameynta xunuunka hadda jira ee Covid-19.
Mobilekan ayaa gudaha Ingiriiska waxaa lagu iibinayaa $305, iyadoona shirkadda soo saartay ee Bullitt ay fileyso in isaga oo intaasi ka xoogan ay soo saari doonto sanadka 2021-ka.
Radio Himilo
