Home / Arrimaha Bulshada / Morocco oo sheegtay in 2024 uu ahaa sanadkii ugu kululaa abid ee dalkaasi

Morocco oo sheegtay in 2024 uu ahaa sanadkii ugu kululaa abid ee dalkaasi

Himilo– Hay’adda saadaasha hawada ee dalka Morocco ayaa shaacisay in sanadkii 2024 uu noqday kii ugu kululaa ee abid laga diiwaangeliyo dalkaas, iyadoo arrintan ay ka tarjumeyso isbedelka ba’an ee heerkulka caalamka.

Warbixin sannadeedka hay’adda saadaasha cimilada ee dalkaas ayaa lagu sheegay in celceliska heer-kulka sanadkii hore uu kordhay 1.49 darajo Celsius marka loo barbardhigo muddadii u dhaxeysay 1991 ilaa 2020.

“Sanadka 2024 wuxuu ahaa kii ugu kululaa ee abid laga diiwaangeliyo Morocco,” ayaa lagu yiri warbixinta, iyadoo lagu daray in dhammaan bilaha sannadkaas – marka laga reebo Juun iyo Sebtembar – ay ahaayeen kuwo ka kulul celceliskii muddada tixraaca ah ee 1991-2020.

Hay’addu waxay xustay in dhowr magaalo ay jebiyeen diiwaannadii hore ee kulka bishii Luulyo, iyadoo heerkulku gaaray 47.6 darajo Celsius magaalada Marrakech iyo 47.7 darajo Celsius magaalada Beni Mellal.

Warbixinta sidoo kale waxay muujisay in boqortooyada Morocco ay wajahday sanadkii toddobaad ee xiriir ah oo abaar ah, iyadoo roobabkii sanadkan 2024 ay hoos u dhaceen celcelis ahaan 24.7%.

Sidoo kale, hay’addu waxay tilmaantay “kororka xaaladaha kuleylka aan caadiga ahayn, gaar ahaan xilliyada dayrta iyo jiilaalka.”

Diiwaankii ugu sareeyay ee kulka abid laga qoro Morocco wuxuu dhacay bishii Agoosto 2023, markaasoo heerkulku gaaray 50.4 darajo Celsius (122 Fahrenheit) magaalada Agadir.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan