Home / Uncategorized / Nabad dhisida iyo kaalinta macallinka

Nabad dhisida iyo kaalinta macallinka

Himilo – Waxaa in badan dhacda in bulsho meel wada dagta colaadi dhex marto waxay ku bilaabataba,dabadeedna wax la is yeesho sida in la is-dilo, la is-boobo, la-is barakiciyo  ama  la kala oodo-rogto. halkaa waxaa ku luma xiriirkii iyo horumarkii la beegsan lahaa.

Sida inaga oo kale, dalal badan ayay tani qabsatay nasiib wanaag kuwo way is dabo qabteen kuwana mushkiladdu way ku gaamurtay oo waxa ay ka reebtay hayaanka horu u socodka horumarka ee qolaba meel dhigay weliba tartankiisu socdo.

Marka dhib weyni bulsho kala gaaro sida colaad lagu ba’ay waxaa adag in durba ay wada jaanqaadaan dadweynuhu sababtoo ah waxaa dhinac kasta u muuqda dakharadii kala gaaray, waxay ugu sii daran tahay marka dakharadaas aan loo dhayin habkii haboonaa.

Tani waa tusaale nool oo lagu arko wadamada dagaaladu ka dhacaan, waxayna dabin u dhigtaa dadaal kasta oo lagu doonayo in dadka la isugu soo dhaweeyo, waxaan  maqalnaa shir loo qabtay bulsho colaadi dhex martay haddaba marka shirku dhamaado waxaba suura gal ah inuu dhibkii sii kordho!.

Waxaa la is-weydiin karaa sababtu maxay tahay? Inkastow u baahan tahay baarid dheer haddana waxaan laga tagi karin in dadka shirka heshiisiinta loo qabtay aysan aheyn marar badan kuwii dhibka weyni ka dhaxeeyey ama boogihii colaadda dib loo danqay.

Si kastaba in dib loo walaaleeyo bulsho sanado dhibaato ka dhex taagneyn waxa ay qaadan kartaa wakhti aan yareyn, hase ahaatee haddii bulshada koox waliba ay u gunti xirato dib u nabadeynta waxa dhacaysa in geedaha nabaduu dib u baxaan lagaba yaabo inay ka har fiicnaadaan kuwii hore.

Maadaama heshiisiinta bulsho is-gacan qaaaday ay u baahan dhinacyo badan oo midba dhankiisa kaalin ciyaaro qormadan waxaan ku soo qaadaneynaa dawrka macalinka ee nabad dhicida, waxayna ku qotantaa tababar nabadeed oo Muqdisho lagu qabtay.

Macallinku waxa uu la macaamilaa dad kala duwan, waxaa soo hor fariista arday midba qoys ka yimid, dhammaantood waxa uu u yahay tusaale nool, iyadoo taa laga duulato qaar ka mid ah barayaasha wax ka dhiga iskuulada Soomaaliya ayaa waxaa loo qabtay tababar ku saabsanaa kaalintooda nabad yagleelida.

Qabsoomidiisa waxaa iska kaashaday UNESCO iyo wasaaradda wax-barashada Soomaaliya, waxaa marti gelisay kan  aan ka qeyb galnay jaamacadda Banaadir kulliyadeeda wax-barashada, waxaa macalimiinta lagu xasuusiyay kaalintooda nabad taagidda.

Sida ku dhigneyd boorka surnaa soo jeedka hore ee golaha tababarkaas waa olole wacyi gelin nabadeed oo ka socda dalalka bariga geeska Africa, balse waxa uu gaar u yahay barayaasha oo loo aqoonsaday inay  yihiin kuwa dhabta ah ee bulshada ku Milan, khliaafka oo nabad darida keenya ayaa isna wax laga yiri, si gaar sida baruhu uu uga hor tagi karo is-maandhaaf ka dhex dhaca ardayda fasalkiisa.

Lagama tagin qaabkii uu macalinku u xalin lahaa haddii qaar ka mid ah ardayda uu wax u dhigo ay is-khilaafaan, mararka qaar wax aan sidaa u weynneyn  ayey ardaydu ku murmi karaan  , waxaa suura gal ah in murankaas si yar ku bilowday uu bulshada ku faafo uu u horseedo nabadda la’aan, waxaa barayaasha lagu booriyey inay dulqaad lahaadaan, kartina ay u yeeshaan inay wax xalliyaan.

Maxamed Xassan Mukhtaar oo ah hormuudka kulliyadda wax-barashada jaamacadda Banaadir waxa uu madasha ka sheegay in tababarka loo qabtay 500 oo macalin kuwaas oo wax ka dhiga iskuulada gobolka banaadir iyo jaamacadaha.

“Macalimiinta waxa ay isugu jireen kuwa wax ka dhiga iskuulada gaarka loo leeyahay iyo kuwo wax ka dhiga iskuulada dawladda, waxaa la barayey ilaalinta iyo dhisida nabadda, iyo sidii ay u maareyn lahaayeen haddii iskuulada khilaaf ka dhaco,” Ayuu yiri Maxamed Xasan.

Macallin shibil ah sidee buu dawr ugu yeelan karaa nabad dhisida?

“Macalinka waa ka keliya ee bedeli kara bulshada, waa meesha bulsho laga hagaajin karo haddii baruhu uu soo saaro dadka ka fayow cudurada nafsiga dhibba ma dhacayo, nabad keenida ma ahan keliya in qori loo adeegsado, waxaan aaminsanahay haddii macallinka loo maro nabad dhisida mushkiladaha bulshada way xalismayaan,” Waxaa sidaa hadalkiisa ku daray Maxamed Xasan.

Macalimad da’yar oo ka mid aheyd barayaashii tababarka ka soo ka soo qeyb galay ayaa su’aashan la weydiiyay, Maxaad ka kororsatay tababarka?

“Xog badan  oo nabadda ku saabsan, anigu waxaan ahay macalin ku dhashay, ku barbaaray, ku wax-bartay, ku shaqeeyey nabad la’aan, waxaan u haystay keliya nabadda inay ka hadlaan ama ay quseyso siyaasiinta iyo dadka dawladda ku jira, balse waxaan ogaaday in macalinku inuu nabadda udub dhaxaad u yahay,”  sidaa waxaa tiri Nimco Xasan oo ka mid aheyd macallinmiinta tababarka loo qabtay.

Waxaan ku dardaarmayaa in nabadda kolka horaba laga ilaaliyo wixii dumin kara, sababtoo haddii ay bur-burto dhisideeda waxa aan kala kulmaynaa waxa haysta maanta dalalka xasillooni la’aantu ka jirto, maadaama ay tahay hawl muddo qaadaneysa waxaa habboon in qof weliba uu xoogga saaro ilaalinteeda, haddii uu murug galo waa in la isa saaro masuuliyada wadareed guud. Barayaashuna waxa ay haystaan fursad ay ku faafin karaan farriin nabadeed, sidaa darteed waxaa muhiimka inay xil iska saaraan sidii bulshada ay u bari lahaayeen nabadda iyo abuuridda is jaceyl bulsho.

Writer: Ahmed Mohamed Mohamud

 

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan