Himilo – Merrill Pittman Cooper oo ah nin 101 jir ilaa iyo yaraantiisii wuxuu la noolaa riyo ah inuu mar uun wax barto. Ugu dambeyn wuxuu rumeeyay qeyb ahaan damaciisii markii uu iskuulka sare dhameeyay 80 sano kadib.
Pittman 1934 iyo 1938 wuxuu dhiganayay iskuul sare oo ku yaalla galbeedka gobolka Virginia ee Mareykanka. Wuxuu lahaa filasho weyn, balse nalkii u bidhaamayay ayaa damay markii qoyskiisu dhaqaale xume ugu guureen Philadelphia.
Maadooyinka ugu muhiimsan manhajkiisa waxbarasho waxaa ka mid ah cilmiga barashada noolayaasha (biology), Taariikhda, English, iyo xisaabta. Wuxuu doonayaa inuu ku negaado kuna nasto xirfaddiisa.
19 March, waxaa la qabtay xafladda Merrill lagu guddoonsiiyay shahaadada, waxaa kala qeyb galay qoyskiisa. Maamulka iskuulka ayaa sheegay inay ka go’antahay waxbaraidda arday kasta iyadoon da’ loo fiirineynin.