Home / Arrimaha Bulshada / Qiimaha kalluunka iyo suuqyada Muqdisho

Qiimaha kalluunka iyo suuqyada Muqdisho

Himilo – Kalluunka amaba Malaayga waxa uu ka mid yahay hilibka cad ee sida aadka looga isticmaalo magaalo-xeebeedka Muqdisho xilliyada soonka.

Badi dadka ayaa ka sameysta sanbuus, halka qaarkoodna ay ku cunaan hadba raashinka u bisil bariis amaba baasto midey noqotaba.

Goobaha lagu iibiyo ee laga heli karo waxaa ka mid ah kawaanka Malaayga ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, halkaasi oo lagu iibiyo noocyada kala duwan ee Kalluun, Jeedalkaba ha u badnaadee.

Dad aad u fara badan ayaa ku xiran, kuwaasi oo qaarkood ku leh miisas lagu iibiyo kalluunka, sida Aweys C/qaadir Cusmaan oo muddo 20 sano ah ku ganacsanaya kawaanka.

Waxa uu sheegay radio Himilo in qiimo ka badan midkii la iibinayay soonkii horre waqtigan la kala siisanayo kalluunka. “Qiimo u dhaxeeya $3.5 illaa $4 ayaa la kala siistaa halkii kiilo ee malaay ah” ayuu yiri Aweys C/qaadir.

Sababta sara kaca ayuu ku sheegay inay tahay qiimaha shidaalka ee kordhay iyo badda oo aan xilligan laga heleyn kalluun badan.

Inkasta oo uu jiro qiima korokaasi, haddana weli macaamiilshu waa ay ku xiran yihiin kawaanka Malaayga degmada Wadajir, sida Hilaal Maxamed oo ah milkiilaha maqaaxi cuntada bisil iibisa.

“Maadaama ay igu xiran yihiin macaamiil jecel kalluunka waan ku qasbanahay inaad iibsado qiima weliba oo uu yahay.” ayuu yiri Hilaal.

Marka laga yimaado kalluunka lagu kiileeyo Miisaska, waxaa jira kuwa kale oo hab naado ah loo iibiyo gudaha suuqa Malaayga degmada Wadajir.

 

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan