Himilo – Sannad iyo dhowr bilood ka hor waxaan la kulannay annagoo ah koox samo falayaal ah gabar yar oo heysata saddex carruur ah oo da’doodu u dhaxeyso hal ilaa afar sano. Guurkeedii hore wuxuu dhacay iyadoo jirta 13 sano.
Arrinta ugu daran waxay aheyd markii aan weydiinay aabaha caruurteeda, waxay noo sheegtay inay kala aabe yihiin, sababtuna tahay iney gashay saddex guur oo qarsoodi ah ‘Qudbo Siro’. Guurka nuucaan ah wuxuu dhacaa marka waalidka gabadha laga qariyo sababo ay ku heshiiyeen labada qof ee isguursanaya.
Taas waxay igu dhalisay in maqaalkaan la wadaago bulshada, dhaqanka Soomaalida, guurku wuxuu ku dhacaa heshiisyo dhaxmara qoysaska labada dhinac. Inta badan waxaa go’aanka ugu dambeeya gaadha qoyska gabadha oo saameyn ku leh qofka ay la aqal galayso gabadhooda, gaar ahaan guurka ugu horreeya.
Gabadhii jebisa dhaqanka ee diida qofka uu reerku u dooray, inta badan waa la deyriyaa. Waalidiinta qaar waxay ku qasbaan gabdhahooda guurka; dano laxariira dhaqaale ama fursado kale, guurkaas oo inta badan aanu cimrigiisu raagin.
Cilladda kale ee dhawr iyo tobankii sanno ee la soo dhaafay soo ifbaxday waa gabdhaha oo aad u xiiseeya ragga qurba-joogta ah ee ka soo laabta dalalka galbeedka kuwaas oo ay rumeysan yihiin inay dhaqaalo ama nolol wanaagsan ka heli doonaan marka labarbar dhigo ragga dal joogta ah, balse dhibaatada waxay timaadaa marka gabadhu ay ogaato in qofka ay guursatay uu xaas kale qurbaha ugu soo tagay ama uu fasax u yimid oo uu kaddibna xiriirka u jaro.
Ragga dibad joogga ah ee dalxiiska u yimaada dalka waxay inta badan fursad u helaan inay qaldaan gabdho da’yar ah gaar ahaan kuwa ka soo jeeda qoysaska danta yar. Waxay ku indho sarcaadinayaan lacago tiro badan oo labo arrin midkood ay u adeegsanayaan: inay waalidkii lacago tiro badan siiyaan si gabadha loogu qasbo guurka iyo tan labaad oo ah inay gabadha si hoose heshiis ula galaan. Inta badan waxay qariyaan magacooda saxda ah iyo dalka ay ka yimaadeen, dhowr billood kaddibna waxay ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen taas oo gabdhihii yar-yaraa ku keenta niyad jab iyo murugo weyn; tiiyoo laga yaabo gabdhaha qaar in laga dhuunto iyagoo uur leh waalidkoodna uusan war ka heyn, musiibadaasi keliya ma saameyso gabadha laga dhuuntay ee sidoo kale waxay musiibo weyn ku reebtaa carruurta oo aabbo la’aan noqonaya ama la waayayo cidk gabadha la qaada culeyska korintooda.
Guurka qarsoodida ah wuxuu aad ugu sii xoogeysanayaa magaaloyinka waaweyn – gaar ahaa Muqdisho, halkaas oo furriinka iyo guurka aan waalidku ogeyn nolosha caadiga ah uu ka mid noqday, tiiyoo aysan jirin wacyigalin bulsho iyo mid culimo.
Si xal waara loo helo waxaa qasab ah in arrintan loo qaato dhibaato rasmi ah oo ka jirta dalka, la kordhiyo shaqada iyo fursadaha ay heli karaan gabdhaha si aan looga faa’ideysan dhaqaalo yaraanta haystada.
Waxaa qoray: Cali Hilowle