Home / Habka-Nolosha / Ragga Waraabaha la nool

Ragga Waraabaha la nool

Himilo — Ragga la nool Waraabaha waa koox duurka kasoo qafaasha Dhurwaayada si ay dadka ugu madadaaliyaan.

Qashin-qub aanu dhab ugu noolaan Karin insaanka ayay ku ilaaliyaan noolahan miciyaleyda kamid ah. Gafuurxir loogu tala-galay in la iskaga ilaaliyo si gaadmo leh inuu afka kuula helo ayaa ah kahortagga ugu weyn ee xaggiisa laga sameeyey.

Waxaa taas barbarsocda dhaqashada iyo xanaanada masaska kuwooda ugu daran xagga waabaayda oo mararka qaar ay nuugi karaan faruuryahooda iyo dabcan Daanyeero badan.

Xaaladda nololeed ee halkan ka jirta uma wada fiicna dadka iyo duunyada duurjoogta ah, dhammaan adeegyada kaabayaasha u ah ilaha dhaqaale ee dalka ayaan isku rarantan ka jirin. Waana sababta ay dadkeedu ugu yeeraan – dhulka aan beritto lahayn.

Ragga Waraabaha dhaqda waa Muslimiin badigood kasoo jeeda qowmiyadda Howsa.

Warbaahinta qaar ee Afrika ayaa eedeymo ku aadan dhaca bangiyada, ka ganacsiga daroogada iyo wixii la halmaala la xiriiriyay Raggan laakiin xaqiiq sugan oo lagu raadguri karo eedeymaha lama helin. Balse hal mid ayaa hubaal ah. Qofna kuma dhaco inuu la dagaallamo raga waraabaha dhaqda.

Muuqaalladani ma ahan wax aan ka yareyn xad-gudub ka dhan ah xuquuqda Waraabaha ama Dhurwaaga.

Waxaana taas feersocda xurriyad ka qaadis qaawan oo lagula kacayo Daanyeerada sida midkan idin muuqda oo lagu qasbayo go’aan ka dhan rabitaankiisa oo ah inuu gacanta ku qabto mas uu aad u neceb yahay.

Qaar badan oo Ragga Waraabaha kamid ah waxay dhaqashadiisa kusoo jireen nus qarni. Waxay adeegsadaan budo ay aaminsan yihiin inay kahortag u tahay waabaayda iyo qaniinyada noolahan halista ah.

Dadka daawada ayaa bixiya waxoogaa sunuud ah. Waxaana howsha lacag ururinta ah u qaabilsan Daanyeerada oo ay ugu yeeraan Bambuu.

Laakiin kuma eka Raggani gudaha Lagos oo qura. Waxay ku safraan Nigeria oo dhan si ay dhaqankooda qariibka ah uga helaan adduun kuna dabaal-degaan. In kale wuxuu dhaqankani u yahay soo jireen ah oo ay jiilba jiil iska dhaxlaan. Dhallaanka yar ayaana, si kastaba, lagu tirtirsiiyaa inay goor hore oo noloshooda kamid ah fahmaan la dhaqanka noolahan halista badan.

Muuqa marka la eego, xiriir la mood u roon Daanyeerada ayaa kala dhaxeeyaa mulkiilayaashooda. Waxay helaan dhuuni ku filan waxaase ka maqan xurriyadda ahaanshiyaha. Ka Abdullahi Mohamed ahaanna, wax walba oo uu heysto waxay uga yimaadeen xaggooda. Waayo hab maaweeladooda ayuu lacag ka sameeyaa.

Xaaladda nololeed ee waraabaha waa mid aad loo daryeelo. Dhaqtar Ibraahi wuxuu maanta u yimid inuu hubiyo noloshooda. Sannadkiiba mar ayaa la siiyaa tallaal looga hortagi karo xanuunka Raabiyada. Sababtu waa in laga hortago inay qaadsiiyaan cudurkooda inta kale ama ay kala qaadaan iyagu. Daanyeeraduna waa lamid. Waxayna u heystaan ruqsad iyo sharci shaqada ay hayaan.

Maalin walba Barow oo ah tababbare waraabe wuxuu yimaadaa suuqa si uu hilib ugu soo iibiyo. Wuxuu si lamid ah midkii aanu sheekada ka sameynay ee ku xirnaa Dayniile uu sheegay in haddii Waraabaayasha duurka lagu daayo aysan heli Karin cunno ku filan – balse xanaanadooda ay ku helayaan maalin walba wax ay cuni karaan.

Waraabuhu waa horror dile cajiib leh oo Ilaahay ku maneystay gowso wax kasta ka adag oo ka dhex dusi kara lafaha. Xishood iyo xanaaq miday ka tahayba, waxaa muuqata inuusan la dhacsaneyn meesha uu ku ruugayo lafaha. Carcarka ka muuqdana wuxuu jawi cabsi leh ku abuurayaa dadweynaha hor tuban.

Ugaarsi maalmo badan iyo halgan aan yareyn qaata kaddib, waxay lasoo noqdaan Waraabayaal yaryar sida midkan saddex bilood jirka ah.

Waxayna sii heystaan ilaa iyo inta ay ka weynaadaan ama ay ka iibsadaan carwooyinka duurjoogta lagu daryeelo.

Qore: Zaki Hiraale.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan