Himilo- Real Madrid ayaa la warinayaa inay la kulantay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Napoli Fabian Ruiz si ay ugala hadlaan suurtogalnimada uu ugu dhaqaaqi karo caasimada Spain xagaaga soo aadan.
Xiddiga reer Spain, oo Napoli kaga soo biiray Real Betis xagaagii 2018, ayaa lala xiriiriyay kooxaha sida Madrid iyo Barcelona ka dib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay intii uu joogay Serie A.
Los Blancos ayaa la sheegayaa inay u aragto ciyaaryahanka qadka dhexe bedelka Luka Modric, kaasoo lagu soo waramayo inuu xor u yahay inuu kooxda ka tago inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Sida laga soo xigtay ESPN, Madrid ayaa la kulantay Ruiz bishii Oktoobar si ay uga wada hadlaan u dhaqaaqista Bernabeu, waxaana kooxda caasimada ay kalsooni ku qabtaa inay ku garaaci doonto Barca saxiixiisa inkasta uu xiiseynayo Camp Nou.
Warbixinta, ayaa intaas ku dareysa, in kooxda Zinedine Zidane inay la imaan doonaan dalab u dhexeeya £ 69m ilaa £ 86m si ay ula soo wareegaan xiddiga reer Spain maadaama uusan jirin wax heshiis ah oo qandaraaskiisa lagu masixikaro.
Ruiz ayaa dhaliyay hal gool isla markaana caawiyay laba 14 kulan oo uu u saftay kooxda Carlo Ancelotti xilli ciyaareedkan.