Himilo – Robot kariye ah ayaa loo tababaray dhadhaminta cuntooyinka. Hadda wuxuu awoodaa inuu sida aadanaha kala saaro.
Mashiinkan waxaa sameeyay jaamacadda Cambridge University. Waxaa la sheegay inuu sheegi karo cuntada waxa ka dhiman.
Robot-kan ayaa cuntada sida bani aadamka awooda inuu ruugo kadibna uu sheego heerka cusbada ku jirta, inay ku fulan tahay iyo in kale.
Ukun iyo yaanyo ayaa lagu bilaabay tijaabada. Hindiseyaasha ayaa ku han weyn inuu sheegi doono dhadhanka cuntooyinka kala duwan mustaqbalka.