Home / Habka-Nolosha / Sidee ayuu COVID-19 u saameeyay nolosha fannaaniinta?

Sidee ayuu COVID-19 u saameeyay nolosha fannaaniinta?

Himilo – Cudurka COVID-19 wuxuu dad badan ku reebay saameyn dhaqaale. Ilo ganacsi oo laga heli jiray nolol maalmeedka ayaa joogsaday taniyo soo ifbixii cudurka.

Ambica Balan waa hooyo 34 jir ah oo haysata labo gabdhood. Waxay nolosha qoyskeeda ka soo saari jirtay xirfadeeda fanka oo ay ku jirtay taniyo sannadkii 2008-dii.

Ms Balan bandhigyadeedii fanka ee ay dakhliga ka heli jirtay waxaa hakiyay cudurka COVID-19. Waxaa soo wajahay nolol adag iyada iyo carruurteeda.

Saygeeda oo ka caawin jiray nolol maalmeedka qoyska labo sano ka hor ayuu xannuun u dhintay. Waxaa isugu beegmay shaqadeedii oo hakatay iyo biilka reerka oo laga rabo.

Hooyadan ayaa sheegtay inay muddo raadineysay shaqo kale, ugu dambeyn waxay heshay shaqo makhaayadeed, hadda waxay mooto ku geysaa dalabka macaamiisha.

Ms Balan waxay maalinkii heshaa lacag u dhexeysa 4 ilaa 5 doollar, waxaa u suura gashay inay ku filnaato nolosheeda iyo midda carruurteeda.

Sheekada Ambica waxay tusaale u tahay in qofka uusan shaqo uga tagin way yar tahay iyo bulshada ayaa kugu sheekeysan doonta.

Warbaahinta India ayaa sheekada haweeneydan aad u baahisay. Waxay aad uga faalloodeen sida ay fannaanadan ugu dhiiratay shaqadan.

Arrinta xusidda mudan Ms Balan COVID-19 ha kor waxay sheegtay inay bil walba bandhigyadeeda ka heli jirtay lacag gaareysa $375.75 Doollar.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan