Himilo – Xiriirka Kubadda Cagta Dalka Ingiriiska ayaa sanadkasta bixiya lacagaha ay Kooxaha kubadda cagta ee u diiwaangashan ka helaan Telefeshinada iibsada xuquuqda tabinta Ciyaaraha kala duwan ee Ingiriiska.
20-ka Kooxood ee ka diiwaangashan FA-ga England ayaa koox kasta siiya lacag u dhiganta kaalinta kaga jirto horyaalka ama kaga dhameysatay xilli ciyaareedka dhamaadkiisa.
Sanadkan Kooxda Liverpool oo gashay kaalinta 1aad ayaa heshay £44Milyan oo lacagta Ingiriiska ah halka kooxda ku dhameysatay kaalinta 20aad ee Norwich City heshay £2.2Milyan.
Haddaba sidee 20-ka koox u kala heleen lacagaha uu FA-gu qeybiyo xagaagan?.
Kaalinta lacagta.
1st £44m
2nd £41.8m
3rd £39.6m
4th £37.4m
5th £35.2m
6th £33m
7th £30.8m
8th £28.6m
9th £26.4m
10th £24.2m
11th £22m
12th £19.8m
13th £17.6m
14th £15.4m
15th £13.2m
16th £11m
17th £8.8m
18th £6.6m
19th £4.4m
20th £2.2m