Himilo – Dadka ku nool London ee kala diimaha iyo isirka ah ayaa markii ugu horreysay gabbal-dhicii Isniinta isugu yimid Taallada Weyn ee London, si ay ugu qeyb galaan afur-wadareed ay lahaayeen muslimiinta.
Isu-imaatinka waxaa soo agaasimay Naz Legacy Foundation oo ah urur ay leeyihiin muslimiinta Britian, waxaana ka qeybgalay Duqa magaalada London, Sadiiq Khan oo ah muslim Pakistaani iyo xubno kale.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan si wadajir ah halkan kula afurno dadyowga kala diimaha ah ee ku nool London,” ayuu yiri Guddoomiyaha magaalada London, Khan.
“Waa tallaabo dhiirigelin iyo bogaadin mudan inaan aragno da’yar kala caqiiddo ah oo halkaan wada jooga,” ayuu sii raaciyay.
Xayiraadda Covid-19 waxey ku qasbay malaayiin Muslimiin ah inay guryahooda ku dhex afuraan, iyada oo la xaddiday isku soo baxyada.
Harris Bokhari, aas-aasaha hay’adda Naz Legacy, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin taariikhda markii ugu horreysay 900 oo sano kaddib, iney afur-wadareed ku qabtaan taawarka London.
Taawarkaan oo dhisan 952 sano, ayaa xilli ahaa xabsi lagu xiro siyaasiyiinta loo heysto danbiyada siyaasadeed, iyo dad haysta diimaha laga tirada badan yahay.
