Home / Cayaaro / Vinicius Junior oo go’aansaday in uu u dagaalamo booska Real Madrid

Vinicius Junior oo go’aansaday in uu u dagaalamo booska Real Madrid

Himilo- Vinicius Junior ayaa lagu soo waramayaa inuusan dooneynin inuu  ku riixo heshiis amaah ah oo uu kaga tagayo Real Madrid.

In kasta oo uu filanayay kulamo badan inta lagu guda jiro ololihiisa labaad ee garoonka Bernabeu, Vinicius waxaa la siiyay kaliya afar bilow iyo shan bedel tartamada oo dhan.

Kaliya soo bandhigid qeyb yar ah ayaa keentay in la isla dhex maro mustaqbalka 19 jirka, iyadoo si ku meel gaar ah loogu wareejinayo koox kale oo yurub ah bartamaha ololaha.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Diario AS, xiddiga reer Brazil ayaa go’aansaday inuu sii joogo Los Blancos si uu ugu dagaallamo booska ku bilaabashada weerarka.

waxaa weli ka harsan shan sano qandaraaskiisa kooxda ka ciyaarta La Liga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan
preload imagepreload image