Home / Cayaaro / Waa maxay sababta uusan Cristiano Ronaldo uga qaybgalin aaska Diogo Jota?

Waa maxay sababta uusan Cristiano Ronaldo uga qaybgalin aaska Diogo Jota?

Himilo – DiogoJota, oo 28 jir ah, ayaa galabnimadii Sabtida lagu aasay qabuuraha Gondomar ee dalka Portugal, ka dib markii isaga iyo walaalkii, Andre Silva, oo 25 jir ahaa, ay dhinteen, markii uu gaari kula burburay subaxnimadii hore ee Khamiista waqooyiga Spain.

Shilkan ayaa yimid 11 maalmood uun ka dib markii uu Jota guursaday xaaskiisa Rute Cardoso, oo sidoo kale 28 jir ah, taas oo ah hooyada labadiisa wiil ee Dinis,oo  afar jir ah iyo Duarte oo laba sano jir ah iyo sidoo kale gabadhiisa yar ee Mafalda, oo siddeed bilood jir ah.

Sabtidii, dad baroor diiqayay ayaa Mail Online si gaar ah ugu sheegay inay aad uga naxeen maqnaanshiyaha Ronaldo marka loo eego doorkiisa kabtanka xulka qaranka Portugal.

Ronaldo, oo 40 jir ah, ayaa kooxdiisa u qaaday koobka Nations League xili uu Jota sidoo kale qayb ka ahaa iyadoo Portugal ay rigoorayaal 5-3 ku garaacday Spain si ay ugu guulaysato koobka 8-dii June.

Laakin go’aankiisa inuusan ka qeyb galin aaska Jota waxaa lagu macneyn karaa masiibo hore oo Ronaldo noloshiisa gaar u ah.

Sida laga soo xigtay majaladda Portuguese-ka ah ee Record, Ronaldo ayaa laga yaabaa in uu go’aansaday in uusan ka qeyb galin xaflada sababo la xiriira dareenka ku xeeran geeridii aabihiis, Jose Diniz Aveiro, oo dhintay Sebtembar 2005 – xiligaasi oo Ronaldo uu jiray 20 sano oo kaliya.

Ronaldo ayaa aad uga naxay markii uu maqlay dhimashadii Jota balse waxaa la sheegay in uusan tagin tacsida maadaama uusan dooneyn in joogitaankiisa uu badalo  muhiimada ay u tageen si ay  dadku ay xushmeeyaan Jota iyo walaalkii.

Halka weeraryahanka Al-Nassr uu la kulmay dhaleecayn dhinacyo badan leh oo ku saabsan maqnaanshihiisa – waxaa baraha bulshada si cad ugu difaacday walaashii Katia.

Xubna kale oo ka tirsan xulka qaranka Portugal sida Bruno Fernandes, Bernardo Silva, Ruben Dias iyo Ruben Neves ayaa goob joog ka ahaa aaska iyo sidoo kale ciyaartoydii hore ee Liverpool sida Van Dijk iyo Neves.

Jota waxa uu mustaqbalkiisa ka bilaabay kooxda reer Portugal ee Paços de Ferreira ka hor inta uusan u dhaqaaqin Atlético Madrid ee Spain. Intii uu joogay Atlético, Jota waxaa amaah lagu siiyay Porto ka dibna Wolverhampton Wanderers, halkaas oo uu ka caawiyay kooxda Ingriiska inay ka soo baxdo Championship una gudubto Premier League.

Waxqabadka Jota ee Wolves ayaa kasbaday inuu u dhaqaaqo Liverpool 2020 wuxuuna u sii waday inuu ku guuleysto FA Cup iyo League Cup, marka lagu daro Premier League, intii uu kooxda joogay.

Jota ayaa 49 kulan u saftay xulka qaranka Portugal, isagoo kula guuleystay UEFA Nations League 2019 iyo 2025.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan