Home / Macluumaad / Waa sidee Wax-barashada Dugsiga Indhoolayaasha al-Nuur.

Waa sidee Wax-barashada Dugsiga Indhoolayaasha al-Nuur.

Muqdisho – Meel dadka aragga qaba aysan helin fursad wax-barasho oo heerka wax-aqriska iyo qoraalka ay ka yihiin boqolkiiba 62.2% wadarta guud ee bulsho weynta Soomaaliya, kuwa aragga la’ ayaa soo buuxinaya kaalintaas.

Waxaana jira aqoon-yahanno da’yar aragga la’ oo helay fursad wax-barasho kuna salaysan baahidooda gaarka ah. Abdirizak Axmed Cumar iyo Axmed Xasan oo kuwada jira da’dooda 20-jirka ayaana kamid ah.

“Runtii waxaan bilaabay dugsiga 4 sano kahor, waana iskuul lamid ah iskuullada kale oo aan kaliya ku kala duwannahay inuu dadka aragga la’ u gaar yahay,” ayuu yiri Abdirizack oo hadda kasii baxaya heerka dugsiga dhexe.

Axmed ayaana intaas kusii daray: “Waxa iigu weyn ayaa ah inaan sida asaagay u heli karo wax-barasho wax dheef u leh noloshayda.”

Farta wax loogu dhigo oo lagu magacaabo Barayle waxaa curinteeda iska lahaa Loius Braile oo ah indhoole noolaa intii u dhaxaysay 1809-1852 oo ugu danbeyn noqday bare wax u dhiga dadka aragga la’. Hayeeshe, Labaduba hadda kahor maysan helin fursaddan mid lamid ah. Markii ay kusoo biiriyeen dugsigana, maysan filayn inay la qabsan doonaan hab-tacliimeedka wax loogu dhigo.

“Aniga halkan kahor magelin dugsi, waxaan la qabsaday halkan waayo waxaa yaalla agabkii loogu tala-galay wax-barashada indhoolayaasha,” ayuu tilmaamay Abdirizack.

“Waxaa kale oo markii hore aan ka cabsi qabay inaan la qabsan waayo tacliinta laakiin in yar kadib waxaan ogaaday inay fududahay, hadana waxaan ku jiraa la qabsigeeda ugu toolmoon,” ayuu sii raaciyay Axmed.

Dugsiga Indhoolayaasha al-Nuur oo ay labaduba dhigtaan waa mid kamid ah tiro dusgiyo ah oo wax lagu baro dadka aragga la’. Taniyo markii la aas’aasay sanadkii 2005, wuxuu soo saaray tiro arday ah oo uga qalin-badalatay dugsiyada sare iyo ilaa heer jaamacadeed, sida uu sheegayo maamulaha dugsiga, Ibraahim Abdullahi Maxamud.

“Sanadkii hore iyo sanad-dugsiyeedka goor dhow dhamaaday labadaba waxaa ka qalin-badalatay arday ka badan 35, wayna isasoo tarayaan,” ayuu yiri Ibraahim kaas oo xusay in hadda tirada ku jirta dusgiga ay gaarayaan 90 arday ku dhawaad.

Helidda kaalmada hey’adda Hormuud Foundation, dugsigu wuxuu leeyahay barayaal isugu jira lab iyo dhedig ka koobaan kuwa arag la’ iyo in kale oo wax arki karta. Maamule Ibraahim oo aan kamid ahayn kuwa heysta nimcada aragga, wuxuu sheegay inay wax u dhigaan sida dugsiyada kale ee magaalada Muqdisho.

“Dugsigu kama duwana kuwa kale ee caadiga ah, kaliya waxaan wax ku dhignaa hab ku salaysan xaaladda aan ku sugannahay, balse waan ka simannahay manhajka ay dhigaan,” ayuu yiri isaga oo muujiyay in shanta maalmood ee toddobaadkiiba ay ardaydu yimaadaan dusgiga ay u fududaysay inay manhajka ku idleystaan sidii loogu tala-galay.

Balse sidee ardaydu ku fahmaan adeegsiga aaladaha sida computerka iyo moobillada?

“Waxaan jira dhawaqa aan ku kala fahamno waxa ku jira iyo sida loola fal-galayo adeegsiga aaladaha sida moobilka iyo kumbuyuutarka,” ayuu yiri. Abdirizack. “Ilama ahan inaan fahmi karin qaab kasta oo midka aragga leh uu u adeegsado aaladaha. Baraha bulshadana waxaan ula xiriiraa sida caadiga ah ee qof kale.”

Hadda oo ay aaminsan yihiin inay go’aamin karaan nuuca mustaqbal oo ay jeclaan lahaayeen inay kusoo baxaan, dhamaantood waxay la nool yihiin hammi qurux badan. Balse hankoodu mawada sinna.

“Aniga waxaan jeclahay inaan noqdo bare ardayda bara luqadaha sida Ingriiska,” ayuu yiri Abdirizack.

Axmed yoolkiisu waa inuu noqdo siyaasi dalkiisa gaarsiin kara hannaan hufan oo ku daaban maamul-wanaag.

“Aniga waxaan jeclahay inaan barto culuumta siyaasadda oo aan qeyb ka noqdo siyaasadda dalka,” ayuu yiri. “Inta badan waxaan ku xiranahay dhageysiga idaacadaha waana la socdaa marxaladaha dalku ku jiro iyo halka uu kusii jeedo.”

Hanka ku jira Axmed wuxuu ina xusuusinaya sheekada Nafees Tareen oo ah Muslimad aragga la’ oo ku nool Hindiya taas oo Qur’anka ku qortay farta indhoolayaasha si ay u caawiso walaalaheeda lamidka ah ee naawilaya inay wax ka bartaan diinta. Waxayna kaalinta ay ku jiraan caddayn u tahay inay door muuqda ku yeelan karaan is-baddalka umadeed iyo horumarka dalkooda.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan