Muqdisho – Wasaqowgu waa mid kamid ah dilayaasha dunida ugu waaweyn kaas oo saameynaya in ka badan 100 milyan oo qof. Taasi waxay tiro ahaan la siman yahay cudurrada waaweyn sida Duumada iyo feyruska dilaaga HIV. Si kale marka loo yiraahdo, wasaqda ka jirta gudaha dalka Shiinaha waxay bedeli kartaa cimilada dalka Maraykanka. Waxay qaadanaysaa shan maalmood in wasaqaynta hawada Shiinaha ay saameynteedu ku gaarto carriga Maraykanka.
Sanadkii 1975-kii, Akadeemiyadda Sayniska Qaranka Maraynkanka ayaa qiyaastay in ilaha badmareennada sida maraakiibta shixnadaha qaada ay badda gunteeda ku qubeen 14 bilyan oo washaq halis kala duwan leh. Muwaadinka caadiga ah ee ku nool US, wuxuu maalin kasta iska soo saraa laba kilogaram oo wasaq ah.
In ka badan hal milyan oo shibir-badeedyo iyo 100,000 oo kamid ah nafleyda caanaha leh ee badda ku jira ayaa u dhinta wasaqda sanad kasta. Haddii aad moodayso in nuugid la’aan sigaarka aad kaga samata-bixi karto Kansarka sanbabada ama wadnaha, sida qofka nuuga oo kale waxaa dhacda inuu kugu haleelo wasaqda deegaanka ku badanaysa awgeed. Dadka ku nool goobaha heer ahaan uu aad u sarreeyo wasaqowga deegaanka waxay 20% in ka badan kuwa aan aadka u wasaqoobin halis ugu jiraan Kansarka ku dhaca sanbabada qofka.
Maraykanku wuxuu 5% kaga jiraa wasaqoobidda caalamka. Sanad kasta, 1.2 tirilyan oo wasaq kala duwan oo wax-soo-saarka warshadaha ah ayaa lagu shubaa biyaha dalka Maraynkanka oo kaliya.
Halka ay carruurtu 10% ka yihiin dadyowga caalamka, 40% in ka badan cudurrada dhasha waxay ku dhacaan iyaga. In ka badan 3 milyan oo carruur ah oo da’da shan jir ka hooseysa ayaa sanadle ugu dhinta cudurrada ku dhasha dhibaatada deegaanka lagu hayo – oo wasaqyantu ugu weyn tahay.
Tusaale ahaan, 1000 carruur ah ayaa gudaha dalka Hindiya ugu dhinta cudurro ka dhasha wasaqoobidda biyaha. Biyaha webiga Ganges wuxuu si tartiib ah ugu danbayn u noqday mid bacteriyada ka dhalata ay xaddi dhaaftay – tani waxaa loo aaneynayaa ku gubista meydadka iyo ku aasidda carruurta aan ifka nolol ugu soo bixin.
5000 oo qof ayaa maalin kasta u dhinta natiijo ka dhalata cabista biyo aan nadiif ahayn. qashinka lagu qubo badaha waa saameynta ugu weyn – bacda ama balaastikadana waa midda ugu horreysa.
Wasqoobidda hawadu waa qeybaha ugu weyn ee tiirka u ah dhibaatada wasaqowgu dunida ku hayo. Waxaa jira in ka badan 500 oo milyan oo gawaari ah dunida oo dhan. Marka la gaaro sanadka 2030-ka, tirada gaadiidka dunida laga isticmaalo waxay gaari doonaan hal bilyan. Tani waxay la micno tahay heerka wasaqowga wuxuu noqon doonaa laba jibbaar. Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in qiyaas dhan 6400 oo qof ay sanad kasta gudaha dalka Mexico ugu dhintaan sababo la xiriira wasaqoobidda hawada.
Dalka Imaaraatka Carabta wuxuu kamid yahay dalalka ugu waaweyn ee wasaqda iska soo saara iyo kuwa ugu waaweyn ee biyaha u isticmaala mashaariicda kala duwan.
Dib-jirnimada iyo la’aanta daryeel sugan oo dhinaca caafimaadka ah ayaa dad ku dhow saddex bilyan waxay adeegsiga dabka aan danabta laga dhalin sida qoryaha ama xaabada ku keeneysaa inay raadeeyaan is-bdedelka ku socda cimilada dunida iyo wasaqoobidda.
Nasiib-wanaag, badda Antarctica waa meesha ugu nadiifsan arlada guudkeeda oo lagu ilaaliyay sharciga lagu mamnuuco wasaqeynta deegaanka.
Tallaabooyinka horay loogu qaadayo la-dagaalanka wasaqaynta deegaanka waxay bilowdeen kol hore. Hayeeshe ku kala duwanaanta wejiyada wasaqoobidda awgeed, qeyb kamid ah dadaallada waa xal-u-helidda cimilada sii xumaanaysa. Waxaana dunida loogu yeerayaa dhimista gawaarida raaxada iyo beerista balaayiin geedo ah si loo helo Carbon-oxide ku filan deegaanka. Tusaale ahaan, dhimashada dalka Masar ka dhacda oo 2% ay sabab u tahay wasaqaynta hawada awgeed, waxay u baahan tahay beerista 75 milyan oo geedaha Sonoobarka la yiraahdo si ay u dhinto wasaqaynta deegaanka iyo hawada.
Waase dhimis la’aan wax-soo-saarka halista ku ah deegaanka iyo noolaha sida balaastikada iyo kiimikada nuucyadeeda kala duwan iyo sii wasaqaynta ilaha dabiiciga ah sida webiyada iyo badaha kuwa mugdi sii gelinaya mustaqbalka deegaanka. Waa dhibaato aan kaliya gaar ku noqon doonin qaran ama qaarad goonni ah, balse wada guud-mari doonta meeraha dhulka oo dhan.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com