Muqdisho – Maalinta caalamiga ah ee dhammeynta danbiyadda aan la isku maxkamadeyn ee ka dhanka ah saxafiyiinta waa maalin la xuso sannad kasta labada bisha November.
Waxay diiradda saaraysaa maalintan sida aanan loo maxkamadeyn kooxaha geysta xadgudubyada ka dhanka ah saxafiyiinta. Waxaa la qiyaasaa in 10-kii xadgudub ee dhaca inay suuragasho in mid kamid ah la soo qabto danbiilayaasha ku kacay lana maxkamadeeyo.
Iyadoo wariyayaasha kaalin muhiim ah ka qaataan war-gelinta iyo inay raad ku reebaan waxyaabaha khuseeya bulshadda ayaa haddana cabsigelintooda iyo inaan garsoor loo helin falalka ka dhanka ah waxay saameyn ku yeelatay shaqadooda, waxayna yareysay doodaha bulsho ee wax dhisaya.
Xuska maalintan, hay’adaha caalamiga ah waxay uga faa’iideystaan in la soo hadal qaado xadgudubyada lagula kacay saxaafadda ee aan wali maxkamadeyn loo helin, waxaana dowladaha loo qoraa codsiyo looga dalbanayo cadaalad.
Taariikh ahaan, xuska maalinta caalamiga ah ee dhammeynta xadgudubyada ka dhanka ah saxaafiyiinta waxaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay ururka IFEX oo ah shabakad u dooda xurriyadda hadalka sanadkii 2011. Waxaa maalintan loo doortay in lagu xusuusto xasuuqii Ampatuan ee dhacay sanadkii 2009, islamarkaana lagu dilay 57 qofood oo ay ku jireen 32 wariye.
Dadaal dheer kaddib, waxaa maalintan si caalami ah loo aqoonsaday bishii December ee sanadkii 2013, markii qaraar ku saabsan la horgeeyay golaha guud ee qaramada midoobay.
Tan iyo sanadkii 2006,, waxaa la dilay 1010 wariye sababo la xiriira warar ay bulshadda gaarsiiyeen. Hay’adda UNESCO waxay aaminsantahay in xadgudubyada aanan loo helin maxkamadeyn inay horseedayaan in aan la baahin wararka ku saabsan xuquuqda aadanaha, musuqa iyo danbiyadda kale.
Soomaaliya waxay sanadkii afaraad oo xiriir ah noqotay dalka ugu liita caalamka markay timaado in la maxkamadeeyo danbiilayaasha dila saxafiyiinta. Kaalmaha xiga waxaa qaatay Afghaanistaan iyo Colombia.
Munaasabado ku saabsan xuska maalintan caalamiga ah ayaa lagu qabtay qeybo kamid ah Soomaaliya. Waxaa isugu yimid qeybaha kala duwan ee saxaafadda Soomaalida.
Haddaba muxuu ka dhigan yahay xuska maalintan? Intee ayay la egtahay heerka xurriyadda saxaafadda dalka? Weydiimahaasi iyo kuwa kale ayaa Fardowsa Shiikh Cabdiraxmaan waxay weydiisay Ustaad Faarax Cumar Nuur oo ah xoghayaha waxbarashada iyo tababarada ee ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.