Home / Cayaaro / Zidane “Achraf Hakimi wuxuu sii joogaya Borussia Dortmund 2019/20.”

Zidane “Achraf Hakimi wuxuu sii joogaya Borussia Dortmund 2019/20.”

Himilo – Achraf Hakimi dib looguma yeeri doono labada sanno ee uu ammaahda ku joogo Borussia Dortmund, tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay.

Hakimi, oo 20 jir ah ayaa 28 kulan u saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay Dortmund, waxaana jiray warar sheegaya in kooxdiisa Real Madrid ay xiiseynayaan inay daafaca reer Morocco dib ugu soo celiyaan Santiago Bernabeu ka hor inta uusan heshiis rasmi ah uga mid noqon BVB xagaaga 2020.

Si kastaba ha ahaatee, Zidane ma jiro qorshe uu ku doonayo xiddigan, waxaana uu aaminsan yahay in horumarka da ‘yarka uu ku fiican yahay Bundesliga kooxda ka dhisan ee Dortmund.

“Achraf wuxuu sannad kale ku joogi doonaa Dortmund,” Zidane ayaa sidaasi u sheegay ciyaartii ay Real 3-1 kala kulantay Bayern Munich kulankii International Champions Cup ee Sabtidii.

Hakimi ayaa 17 kulan u saftay Real oo uu ka hoos shaqeeyay Zidane sannadkii 2017/18.

Ka ciyaarista daafaca middig iyo biddix ee Dortmund, Hakimi ayaa dhaliyay labo gool, afarna caawiyay 21 kulan oo ka tirsanaa Bundesliga, iyadoo Black Yellows ay ku dhammeysatay kaalinta labaad oo ay ka danbeeyeen Bayern.

Waxa uu sidoo kale ku billowday shan ka mid ah siddeedii ciyaar ee UEFA Champions League ee Dortmund, isagoo ku guuleystay seddexleey caawin ah guushii ay ka gaareen Diego Simeone kooxdiisa Atletico Madrid.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan