Himilo – Sanadkii 1985-kii ayaa markii ugu horreysay Qaramada Midoobay ku dhawaaqday iclaaminta maalinta caalamiga ah ee degaanka, sanadkii xigay ayey ahayd markii ugu horreysay ee loo dabbaal-dego maalintan, xuska xilligaasi oo qaatay hal ku dhegga “Helidda hooy waa xaqeyga” waxaa martigelisay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, wixii waqtigaasi ka danbeeyayna hadba magaalo ayaa lagu maamuusayay.
Aas-aaska maalinta waxay ahayd mid ka falcelineysa xaaladda degaannada aan ku noo nahay iyo xaqa ruux weliba u nool yahay inuu heli goob uu ku noolaan karo oo lagu daray mas’uuliyad wadareedka innaga saaran ilaalintiisa.
Waxaa jira dhibaatooyin is biirsaday oo sanadba midka ka danbeeya isa soo taraya kuwaasi oo ku xeedaaban noloshada aadanaha, badi waa kuwa ka dhashay dhadhaqaaqa bini’aadamka ee aanan si dhab ah looga fiirsan.
Waxaa ka mid ah mushaakilaadkaasi, isbaddelka cimilada oo si darran loo dareemay labaatankii sano ee u danbeeyay. Tusaalle magaalooyinka 70% maxay mas’uul ka yihiin qiica halista ah karbon laba oxide ee lagu sii daayo hawada.
Sida ku dhigan warbixinta magaalooyinka ee Qaramada Midoobay ay soo saartay sanadkan 55% dadyowga dunida waxey ku nool yihiin magaalooyinka, sanadka marka uu gaaro 2050 na waxaa la filayaa in tiradu noqoto 68%. Taasi waxey ka dhgan tahay in qulqulka lagu soo faarujinayo dhulka miyiga ah uusan joogsan doonin.
Waxey dhanka kale ififaalo u tahay, sii jiritaanka saameynta taban ee ka dhalata isbaddelka cimiladda haddii aanan la helin maskax curin karta xal lagu diirsado.
Sida saadaashu tahay qulqulka ugu badan waxa uu ka dhici doonaan qaaradaha Africa iyo Aasiya, halkaasi oo badi dadku isaga soo hayaami doonaan dhulka miyiga ah, taasi oo ka dhigan in qaaradahan saameynta ugu badan laga dareemi doono.
Inkasta oo isbaddelka cimiladu horseeday inuu dhalaalo qeyb ka mid ah barafka yaalla cirrifyada dunida, la dareemo kuleyl darran mar kale waxa uu horseeday fatahaado yimaado xilli aanan la saadaalineynin iyo degaannada qaarkood oo cabaad uu halis ku hayo.
Abaaraha waa dhibaato kale oo ay la dalaadhacayaan degaannada iyo noolayaasha kala jaadka ah ee ku nool, kuwaasi oo uu ugu mudan yahay aadanaha.
Si loogu baraarugo dhibka taagan ayaa xuska maalinta degaanka la is xusuusiyaa mas’uuliyada waaxid iyo wadarba innaga saaray illaalinta degaanka iyo qaabeynta mustaqbalka magaalooyinka iyo tuulooyinka marti geliyay nolosheenna.
Waxaa sidoo kale maalinta la bixiyaa abaal marinta Scroll of Honour oo ah tan ugu sarreysa dunida ee lagu maamuso shaqsiga ama kooxda wax muuqda oo faa’iido u leh degaanka soo kordhisa.