Home / Maalmaha Caalamiga / 21 Maarso: Maalinta caalamiga ee Keymaha

21 Maarso: Maalinta caalamiga ee Keymaha

Himilo -Goob  tiro baaxad sarreysa leh oo geedo ah ayaa si guud loogu yeeraa Keyn. Keymaha ifka oo dhan ku camiran waxay cabbirka dhulka kaga fadhiyaan 30%. Si kastaba, waxaa jira hoos u dhac la tilmaami karo oo ku socda baaxadda keymaha oo awalba boqolkiiba 50% ka aheyd dhulweynaha dunida.

Keymahani waxay asal ahaanba hoy iyo gabbaad u yihiin noolaha oo dhan – u eegis la’aan xittaa kuwa ilma-aragtida ah– taas oo kulmineysa mid kamid ah xaaladaha ugu muhiimsan ee hab nololeedka deegaanka. Keymuhu waxay door ku yeeshaan maareynta heer kulka meeraheenna ama dhulka aan ku nool nahay. Waxay nasiiyaan oksijiin iyaga oo dhima wax-yeellada gaaraysa deegaanka.

Keliyana uma ahan guri dhammaan noolaha ee sidoo kale keymuhu waa ilaha joogtada ah ee dihin nafaqo leh. Inaan si qoto dheer ugu kuur-galno ogaalkeeda, waxay na dhaxalsiineysaa garashada in kobta aan maanta ku nool nahayba – ay beri ahaan jirtay keymo.

Maalinta Caalamiga ee Keymaha waxaa dunida oo dhan laga xusayay 21 Maarso sannad kasta si wacyiga bulshooyinka kala duwan ee dunida loogu jiheeyo muhiimadda keymaha iyo kheyraadka ku jira faa’iidooyinkeeda. Gunta aragtida Maalinta Caalamiga ah ee Keymaha waxay timid kal-fadhigii 23aad ee iskaashiga beeraha Yurub sannadkii 1971-kii.

Si kastaba, QM ayaa 21 bishii Maarso sannadkii 2012 waxay billowday xuska maalintan si loo muujiyo faa’iidooyinka keymaha iyo geedaha. Xaqiiqooyinka jira ee ku saabsan keymaha waa kuwa is daba-maal ah – oo in kasta oo dabargo ay ku jiraan meelaha qaar ay haddana helayaan dadaallo lagu ilaalinayo laguna tarminayo tiradooda.

Halka aad looga dooday in si toos loo abbaaro tirada geedaha sameeya keymaha, haddana saynisyahannadu waxay hoosta ka xarriiqeen inay jiraan boqollaal bilyan oo geedo ah. Nasiib-darrase, cilmi-baaris seynisyahannada ayaa tilmaantay in 15.3 bilyan oo geedo ah in la dabar-jaro sanad kasta – 46% geedaha dunida waxay noqdeen ciribtiran 12,000 sannadood lasoo dhaafay. Waxaase kasii naxdin badan in dunidu ay sanad kasta lumiso dhul baaxadeed ballaaran oo keymo ah. Waxayna badigood u le’daan falalka ay ku hayaan bani’aadanka.

Soomaalidu waxay kamid tahay bulshooyinka xaalufinta geedaha sameeya hab-nololeedka keymaha. Deegaanka oo ah hooyada nolosha noolaha waxaa gaaray nabarro. Waxaa loo geystay daqarro. Waxaa marti looga dhigay dabargoyn. Waxaana magan u ah beylah.

Soomaaliya oo hodan ku ah ilaha badiiciga ah ee daaqa, duunyada iyo dihinka, waxay ku socotaa tallaabooyinkii ugu danbeeyey ee ay ku gumaaadayso nolosheeda. Kasokow milgada uu deegaanku ku fadhiyo, Soomaali badan wali macnaha dhabta ah ee deegaanku leeyahay ma garowsana. Mahuraanka ah inay barato sida deegaanka loo dhowrana waa waxa ugu mudan oo maanta umadeennu la’dahay. Haddii ay garatana kaga bixi karto makasnimada kaga aadan deegaaanka iyo sidda looga dheefsado.

Ol’olaha ku aadan in Soomaalida lagu baraarujiyo barwaaqada dalkooda iyo sida beylahda looga dhowro, ma ahan mid hadda uun anba-qaaday. Waa mid lasoo if-baxay hanashadii gobannimada iyo isu-taliskii umadda. Walise wacyi-gelintaas sidii looga dhursugayay uma ebyan. Waxay ku dhacday laabyo maqan dhego leyrta u duleela.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan