Home / Maalmaha Caalamiga / 25 July – Maalinta caalamiga ah ee ka hortagga Hafashada biyaha

25 July – Maalinta caalamiga ah ee ka hortagga Hafashada biyaha

Himilo – 25 July, 2021 waxaa markii ugu horreysay loo debbaal degay maalinta caalamiga ah ah ee ka hortagga Hafashada biyaha, Kaddib markii olole ay hormuud ka ahaayeen ururo caalami ah ay suuragaliyeen in bishii April ee sanadkan golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay uu qaraar ku soo saaray maalintan.

Waxaa maalintan loo arkaa fursad sanadkiiba mar imaaneysa oo lagu iftiiminayo saameynta taban ee ka dhalata hafashada, taasi oo qoysas badan oo daafaha dunida ku kala nool kaga tagtay tiiraanyo aanan tirmeyn oo dib loo gocdo mar wali oo la maqlo amaba la arko ruux ku haftay biyo ee ku dhintay amaba laga samatabixiyay.

Inta la xusayo maalintan waxaa lasoo bandhigaa xalal naf-badbaadin ah si looga hortago masiibadan oo gaartay daan weliba oo caalamka ah ee uu maro webi amaba bad leh. Sida xogta Qaramada Midoobay ay tilmaameysana waxaa sanad weliba adduunka uga geeriyooda 2,36,000 oo ruux.

Waxaa dadkaasi oo u badan kuwa da’doodu u dhaxeyso hal illaa 24-jir ay 90% ku dhintaan Harooyinka, Ceelasha, Wabiyada, iyo keydadka biyo ee inoogu yaala guryaheenna, sida lagu xusay xogta Qaramada Midoobay.

Hafashada, dadka ugu badan ee ku waxyeelooba waa carruurta ku dhaqan degaannada miyiga ah ee waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo amaba heer dhexaadka yahay, kuwaasi oo aanan dareen fog siinin dhallaankooda iskaba daay inay ka dhiifoonaadan khatarada ka dhalan kara biyaha.

Dalkeenna waxa uu ka mid yahay wadamada laga dareemay mushkiladdaasi oo dhegaha bulshadeenna kuma cusba inay maqlaan qof ay la tagtay badda amaba ku dhacay webiga, waxaa la xusuustaa in horraantii bishii Juun ee inna dhaaftay in shan wiil oo dhanlinyaro ah ay la tagtay badda xilli ay ku dabbaalanayeen xeebta liido.

Dhalinyaradan oo u badnaa arday waxaa saacado kaddib la helay Meydkooda iyada oo lagu aasay goob qura. Isla sanadkan bishiisii Janaayo waxaa xeebta Hobyo laga helay meydka labada dhalinyaro ah oo ka mid ahaa sida dad degaanku sheegeen dhaqaatiirta isbitaalka degaanka Gawaan.

Mushkiladdani kuma koobna oo keliya degaanada xeebaha leh ee dalka, balse xittaa waxaa laga soo wariyaa kuwa webiyada leh iyo degaanada miyiga ah, halkaasi oo carruurtu ku geeriyoodaan ceelasha laga cabo biyaha. Qaarkood ayaa muddo kadib laga warhelaa meydkooda markaasi oo laga soo saaro biyaha.

Waxaa inta badan dhimashada dhalinyarada loo sababeeyaa aqoon li’i xagga dabbaasha ah, iyaga oo mararka qaar ku dabbaasha badda oo kacsan iyo xeebaha dalka aanan lahayn kooxo samatabixiyaal ah oo firfircoon.

WHO, hay’adda caafimaadka adduunka oo horkaceysa ololaha ka hortagga hafashada ayaa la filayaa inay soo bandhigto tabo looga hortagi karo hafashada biyaha, sida in dugsiyada waxbarashada laga dhiso goob biyo qabatin leh oo carruurta lagu baro dabbaasha.

W/Q: Sacdiya Nuur Ciid

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan