Himilo – Maalinta caalamiga ah ee Sadaqada sanad weliba waxaa la maamuusaa oo loo dabbaal degaa shanta bisha September waa la dhigayay wixii ka danbeeyay sanadkii 2012-kii maarkaasi oo golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ay fadhi ay yeesheen ku meel mariyeen.
Ujeedka laga lahaa aas-aaskeeda waa in dadka alle uu maalka u dhiibay, hay’adaha maxaliga ah iyo saamileyda kaleba lagu baraarujiyo samafal u sameynta inta mudan in loo gargaaro.
Marka la eego asalka maalinta amaba halka ay ku aroorto, waa samafasho dalka ay u dhalatay uu muran ka taagan yahay, taasi oo bulshooyinka India ka caawin jirtay sidii ay uga bixi lahaayeen faqriga, iyo xaaladaha kale ee ka dhasha, balse Sadaqadu waa mid intaasi ka guda ballaaran.
Diinta islaamka waxey boorisaa samaan falka xilli weliba taasi oo ka dhigan in ruuxu sadaqeysan karo wax weliba uu awoodo sida wax muuqda oo tusaalle looga dhigi karo lacagta, Guryaha, dawada, dharka iyo wixii la halmaalka iyo in kale oo la taaban karin sida hadalka wanaagsan iyo waqtigaba.
Mid ka mid ah ajendayaasha u degsan Qaramada midoobay waa gaaridda horumar negaasho leh, kaasi oo la ansixiyay sanadkii 2015-kii.
Waxaa micnaha yoolkaasi yahay in la cirribtiro saboolbnimada baahsan ee ka taagan dunida, taasi oo loo arko caqabadaha ugu waa wayn ee ku horgudban xaqiijinta nolol sareedo leh.
Waase mid aanan la xaqiijin weli, oo in ka badan 700 milyan oo ruux ayaa ku suntay saboolnimo oo ka dhigan in toban boqolkiiba dadyowga dunida inay yihiin faqiir.
Inkasta oo hoos u dhac laga soo werinayo tirada dadka ku jira saaxadda saboolnimada caalamka wixii ka horreeyay sanadkii 2019-kii, haddana waxaa la eersaday xanuunka Covid-19 oo ahaa aafo wada gaartay dunida.
Ka sokow inay ahayd mushkilad caafimaad oo galaafatay nolosha malaayiin ruux, waxey sababtay in kumanaan ruux ay u gudbeen qadka saboolnimada darran, kaddib markii ay waayeen shaqadooda ganacsigoodana uu baaba’ay.
Mid ka mid ah hanaanada lagu ciribtiri karo saboolnimada waa bixinta sadaqada mideeda waajibka ah oo lagu xoolleeyo inta saboolka ah.
Balse dhaqanka bixinta sadaqada marka laga yimaado bulshooyinka muslimiinta ah oo uu dhexdooda ka jiro muddo qarniyaal ah, qoomiyaha kale badankood kuma baraagrugsana faa’iidada ay leedahay.