Himilo – Daafaca Barcelona Jordi Alba ayaa qirtay inuu fahamsan yahay sababta ay dadku ugaga soo horjeedaan isaga.
“Way caddahay in dadku ii yaqaanaan kubadda cagta, waxaan u maleynayaa inaan ahay mid ka mid ah ciyaartoyda loogu neceb yahay kubadda cagta, waan ogahay,” Alba ayaa sharaxay, isagoo la hadlaya El Dia Despues on Movistar +.
Waa qaabkeyga aan u ciyaaro taasna waxay iga dhigtay ciyaaryahanka aan maanta ahay oo i dhigay halka aan haatan joogo.
Markaa dadku way i bartaan wayna ogaadaan sidaan ahay, qof aad u furfuran, waana qaddariyaa wax walba oo noloshayda ah.