Home / Cayaaro / Arsenal oo horumar ka sameeneysa doonista laacibka Atletico Madrid ee Thomas Partey

Arsenal oo horumar ka sameeneysa doonista laacibka Atletico Madrid ee Thomas Partey

Himilo ­­­­­­­­­­­­­­­­­–Arsenal ayaa la warinayaa in ay sare u qaadeen doonitaanka tartanka ay ugu jiraan lasoo wareegidda laacibka khadka dhexe ee Atletico Madrid Thomas Partey.

Gunners  ayaa in muddo ah baadi goob ugu jirtay laacibkan u dhashay dalka Ghana, balse waxay diideen in ay ku iibsadaan qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa oo gaarsiisan  £45 milyan Gini, inkastoo hadda ay u muuqanayaan lacagahaasi kuwa  la isaga soo dhawaanayo.

Sida ay ku warameyso Marca, kooxda La liga ayaa ku dhow in ay la saxiixato laacibka Espanyol ee Marc Roca kaasi oo loo arko beddelka ku habboon Partey.

Partey ayaa goor sii horreysay diiday in dalab waliba oo ku aadan heshiis kordhin uu la galo naadiga Atletico, kaasi oo kooxda matalayay tan iyo 2015.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan