Home / Macluumaad / Baahi intee la eg ayuu dalkeenna u qabaa dib-u-dhiska matxafkii qaranka

Baahi intee la eg ayuu dalkeenna u qabaa dib-u-dhiska matxafkii qaranka

Dhismihii weynaa oo loogu tala-galay in la dhigo, laguna keydiyo wixii alaabo ah oo leh qiimo taariikheed, cilmiyeed lumintiisu waxay urugo ku tahay hidde-raaca sooyaalka umadda Soomaaliyeed maadaama uu billadaye u ahaa waxa aan nahay.

Marka umadi si xeel-dheer u leedahay meel ay jiilalkeeda is-bedelaya ka tusto geeddi-socodka taariikhdeeda, waxay awood u leedahay inay jiheyso shacbigeeda. Si kale marka loo dhigo, umad walba oo raadka taariikhdii ay lahayd wali qoyan tahay, waxay go’aamin kartaa halka ay ku jiheysaneyso ubadkeeda.

Taas lidkeeda, kolka umadi aysan aqoon ama uu ka engegay raadadkii ay soo martay, waxay ku sugan tahay anbad. Mid kamid ah goobaha lagu ilaaliyo raadadka taariikhda – ahna muraayadda ay jiilka cusubi ka dhex arkaan kuwii ka horreeyey waa matxafyada. Ayaan-darro, Soomaaliya waxay ku jirtaa kuwa raadadku kasii engegayo, marka loo fiiriyo ilaalin la’aanta iyo buburinta xarumaha xadaariga u ah.

Maanta haddii la rabo in la tix-raaco raadka taariikhdeenna, waxaan ka noqoneynaa marti dheegisteeda. Waayo waxaan nahay umad ogolaatay inay beylah uga dhaqaaqdo keydka taariikhdeeda.

Matxafyadu waxay dun isku xiraysa jiilka maanta iyo kuwii hore u yihiin Aadanaha nool xilli kasta.

Qarnigii 16 naad ayaa rasmi ahaan loola kowsaday furitaanka goobaha lagu keydiyo raadadka taariikheed ee umadi soo martay. Matxafkii ugu horreeyey ee Ashmolean Museum kuna yaalla dalka Brtain ayaa la furay. Qalabeyntiisa iyo keyd-ururintiisu waxa ay socotay intii u dhaxaysay sanadihii 1677 ilaa 1683-kii.

Doorka dhaqameed ee matxafyada waa ururinta iyo dhowraarinta agabyada, dhaqameed, diimeed iyo taariikh ahaaneed. Hadafku waa in bulshada looga dhigo habka tacliinta iyo madadaalada isku laran ee loo yaqaan edutainment. Waxaa kale oo laga fahmi karaa keydka matxafyada wajiga uu leeyahay dhaqanka ama caadada bulsho gaar ahi weyneysato. Matxafyadu waxay wadaagi karaan magac guud, hayeeshe waxay ku kala duwananaan karaan hadba sida umadi kaga duwan tahay dhaqan ahaan, umadaha kale.

Tusaale ahaan, dalalka Hindiya iyo Japan waxay leeyihiin matxafka musqulaha. Waxaa kale oo jira kuwa ku dhashay raad-xun oo dagaallo sokeeye iyo musiibooyin kale ay dhaliyeen sida midkii loo dhisay xusuusta Xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda sanadkii 1994-kii.

 

Matxafyadu waxay soo jiitaan indhaha dadka aan muwaadiniinta ahayn ee dalxiiska ku yimaada kuwaas oo dalka lacag adag soo geliya. Marna waa tusaale nool oo dadka aan kugu dhaqanka ahayn ka ogaadaan heerka ay gaarsiisan tahay ilbaxnimadaada. Dal walba oo maanta dunida kamida, wuxuu leeyahay ugu yaraan matxaf.

Marka aan dib ugu soo laabanno dalkeenna,  gef ma ahan haddii la yiraahdo majirto meel sugan oo loo raadiyo taariikhdeennii hore. Burburkii dalka wixii ku baxay – naf iyo maalba – waxaa cad in laga soo kabsan karo gu’yaal badan kadib. Hayeeshe, xaqiiqda sida aan gacmaheenna ugu burburinay: iibsanay: una gabnay mas’uuliyaddii naga saarnayd  raadadka taariikheed ee dalka waxay jab weyn ku tahay sooyaalkeenna.

Jiilka maanta oo awalba aan heysan manhajkii loo baahnaa in loogu iftiimiyo taariikhdooda, qoraallada ku dhigan buugaagtu in badan kama kaalmeyn karaan inay ku dhiirradaan ka sheekeynta sooyaalkooda. Waxay u baahan yihiin inay la noolaadaan raadadka muuqda ee tagtadeennii hore. Waana Matxafka Qaranka midka lagu suura-gelin karo yoolkaas.

Dhismayaasha qaar waxay u baahan yihiin dayac-tir iyo qalabeyn: balse dhisma walba sida Matxafka Qaranka kuma dhismayo gidaaradda oo loo qotomiyo: wuxuu muddo u baahnaan doonaa in dib loogu abaajiyo keydkii kaga lumay gacmaha muwaadiniintiisa. Nasiib-wanaag, rajadu ma ahan mid hooseysa.

Dhowr jeer xukuumadihii danbe waxay ku celcelinayeen in shacbigu ka qeyb-qaato soo ururinta raadadka taariikhda umadda. Waana balan-qaadyo ay wehlinayaan abaal-gudyo lagu dhiirri-gelinayo inay u sara-kacaan. Waxaa kale oo xusid mudan in qeyb kamid ah agabyadii iyo raadadkii yiillay Matxafka ay ku jiraan gacmo la og yahay oo si laga mahdin karo ku ilaaliyay sida kan Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Minnesota oo la aas’aasay sanadkii 2013-ka.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan