Himilo – Sidee loo tirakoobayaa dad dhan 1.3-bilyan oo ruux? Dowladda Shiinaha ayaa ka warcelineysa.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka Xinhua, tirakoobka dadkaasi waxaa ka shaqeyn doona ku dhawaad 7-milyan oo shaqaale ah, kuwaas oo ka hawlgali doona dhammaan degaanada dalkaasi.
Waxey soo uruurin doonaan xogta qofka sida, Magaca, aqoosiga, jinsiga, heerkiisa waxbarasho iyo shaqadiisa. Waxaase shaqadaasi ay qaban doonaan iyagoo leh hogaamiye kooxeedyo ka badan 2-milyan.
Iyada oo la adeegsanayo hab-raacyo soo jireen ah ayey dadka ku boorin doonaan inay adeegsadaan taleefanada gacanta ama qalab kale oo casri ah, si ay ugu fududaato helidda xogta shaqsiga.
Dowladda Shiinaha ayaa tobankii sannaba mar tirakoobta dadkeeda, tirakoobkaan oo bilaabanaya 1-da November-na waxa uu noqonayaa midkii todobaad.
Sida ay muujineyso xog uruurintii u danbeysay ee sannadkii 2010-kii, dadka reer China ayaa sameeyay koror, balse tirakoobkan waxaa la saadaalinayaa in tiradu is dhimi karto markii ugu horeeysay.
Taasi waxey suuragalin kartaa in India ay gasho kaalinta koowaad ee dalka ugu dadka tirade badan caalamka.