Home / Macluumaad / Dalxiise loo ganaaxay Carro uu qaatay darteed

Dalxiise loo ganaaxay Carro uu qaatay darteed

Himilo ­­­­­­­­­­­­­­­­­–Dalxiise u dhashay Faransiiska ayaa lagu amray inuu bixiyo lacag dhan €1,000 amaba $1,200 oo ganaax ah,markii boorsadiisa laga helay carro.
Ciiddan oo nooca cad ah ayaa laga helay boorsada ninkan magaciisa la qariyay,xilli uu qorsheynayay inuu ka duulo garoonka diyaaradeed oo ku yaala magaalo xeebeedka Sardinia.
Waxaa culeyskeeda lagu sheegay 4.4 pound,taas oo uu ku shubay dhalooyin iyo baco.
Carrada laga helay boorsada dalxiisaha u dhashay Faransiiska ayaa ka mid ah noocyada la ilaaliyo.
Sharci soo baxay sanadkii 2017-dii ayaa lagu mamnuucay qaadashada ciiddan cad ee badanaa laga helo jaziiradda loo dalxiisa tago ee Sardinia iyo kuwa ku dhaw dhaw.
Sida sharciga uu dhigayo qofkii lagu arkaa waxa uu wajihi doonaa ganaax lacageed oo u dhaxeeya 600-3,550 oo doolar,waxaana ganaaxa uu ku jaan go’an yahay xaddiga ciid ee lagu qabto ruuxa.
Ciiddan oo gudaha Talyaaniga looga yaqaano Idyllic ayaa kamid ah walxaha dhowrsan, Waxeyse suuq ku leedahay dalalka reer Yurub.
Sida ay sheegtay dowladda Talyaaniga, Sanadkii hore Boliiska ayaa qabtay 88 puond oo carradaasi ah,taas oo ay wateen lamaane Faransiis ah oo booqanayay Jaziiradda Sardinia.
2018-kii muwaadin British ah ayaa lagu xukumay inuu bixiyo ganaax ka badan kun doolar markii uu Ciid kasoo qaatay xeeb u dhaw magaalada waqooyiga dhacda ee Olbia.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan